DEG-DEG: Laba Ka Mid Ah Xiddigaha Chelsea Oo Ku Dagaallamay Garoonka
Tababare Thomas Tuchel ayaa tababarkii maanta ka joojiyey difaaca reer Germany ee Antonio Rudiger kaddib markii uu garoonka dhexdiisa kula dagaallamay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii shalay ay West Brom ku burburisay 5-2.Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan la kulantay shalay, waxaana soo afjarmay 14 ciyarood oo xidhiidh ahaa oo aanu wax guul-darro ah la kulmin tababare Thomas Tuchel, waxaana markan si xun u karbaashtay West Brom oo ka faa’iidaysatay kaadh cas oo uu waqti…