Goolhayaha Juventus Gigi Buffon ayaa lagu ciqaabay
Goolhayaha kooxda Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa laga ganaaxay in uu ciyaaro kulanka Turin Derby kadib markii uu caytamay.Goolhayaha 43 jirka ah wuxuu falkaas ka geystay kooxdiisii ugu horreysay ee Parma bishii Diseembar.Buffon ayaa la maqlay isaga oo eedeynaya daafaca Manolo Portanova ka dib markii Parma ay seegtay goolkoodii Serie A.Wuxuu ku qayliyey: "Porta waxaan rabaa inaan arko adigoo ordaya oo u dhibtanaya sida eey oo kale, inta soo hartay aniga igama khuseyso" laakiin qaylada ayaa waxaa ku jiray ereyo aflagaado…