UEFA Oo Baadhitaan Ku Bilowday Zlatan Ibrahimovic
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa baadhitaan ku bilaabay weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, waxaana suurtogal ah in gebi ahaanba laga mamnuuco ciyaaraha.
Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu eedaynayaa in uu leeyahay shirkad khamaar oo uu lacago badan ka sameeyo, taas oo gebi ahaanba mamnuuc ka ah in ciyaartoyda iyo bahda isboortiguba ay ku lug yeeshaan.
39 jirkan oo toddobaadkii hore saxeexay heshiis cusub oo sannad ah oo uu ku kordhiyey qandaraaskiisa AC Milan oo xilli ciyaareedkan uu u dhaliyey 15…