Xidhiidhka Kubadda Cagta Talyaaniga Oo Ganaaxyo Ku Riday Ibrahimovic
Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ayaa soo saaray ganaaxyo ka dhan ah xiddigaha AC Milan iyo Inter ee Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku, kaddib isku-dhacoodii ciyaartii Coppa Italia ee 26kii January.Labadan ciyaartoy ayaa ku dhowaaday in ay dagaallamaan ciyaar ay Inter ku garaacday Milan oo ay kaga reebtay Coppa Italia, waxaana Lukaku uu laacibka reer Sweden uu ku eedeeyey inuu aflagaaddo cunsuriyeysan kula kacay.Laakiin Ibrahimvoic ayaa ku dooday in aanay cunsuriyaddu agtiisa boos ku lahayn, kaliyana uu ku yidhi ereyo…