“Waan Gaarey Hadafkii Aan Hiigsanayay Illaa Maalintii Aan Imid
Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa shaki la gelinayaa, kaddib qoraal uu ku daabacay bartiisa INstagram oo uu ku sheegay in uu gaadhay ujeeddadii uu u yimid Talyaaniga.Ronaldo oo qandaraaskiisa Juventus ku eg yahay xagaaga 2022, ayaa lala xidhiidhinayaa tiro kooxo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, waxaana farriinta uu soo qoray lagu tilmaamay mid u muuqata macasalaamayn.“Nolosha iyo xirfadda ciyaartoy kasta oo sare waxay leeyihiin sare u kac iyo hoos u dhac.”…