Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa wax lagu qoslo ku sheegay hanjabaadda UEFA ee ah in ciyaartoyda kooxaha samaystay Super League xayiraad laga saarayo tartamada Koobka Adduunka iyo Euro, haddii ay naadiyadani kusii adkaystaan in uu hirgalo tartankoodu.Xidhiidhada kubadda cagta Yurub ee UEFA, Maamullada horyaallada Premier League, LaLiga & Serie A oo lagu daray FIFA ayaa meel adag iska taagay qorshaha 12 kooxood ay ku dhawaaqeen Axaddii ee ah in ay samaysanayaan horyaal sida Champions…