Zinedine Zidane Oo La Wareegaya Kooxdii Uu Mar Kale Dunida Ku Qabsan
Kooxda kubadda cagta PSG ayaa u dhaqaaqaysa tababaraha reer France ee Zinedine Zidane oo dhowaan iska casilay Real Madrid oo uu eedaymo na usii jeediyey Florentino Perez, waxaanu beddelayaa Mauricio Pochettino oo dalbaday inuu iska tago.PSG ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey aan marnaba ka maqnaan warbaahinta ciyaaraha, waxaana inta badan la hadal hayay Mauricio Pochettino oo lix bilood joogay kooxdaas, laakiin doonaya in uu iska tago, isla markaana ku laabto kooxdiisii hore ee Tottenham.Pochettino oo bishii January loo…