Paul Pogba Oo Halis Ugu Jira In Laga Ganaaxo EURO 2020 & Ficilka
Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Paul Pogba ayaa halis ugu jira in laga ganaaxo tartanka qaramada Yurub ee UEFA, kaddib markii uu xalay jabiyey sharciga xakamaynta Fayraska Korona ee ay dejisay UEFA.Paul Pogba oo wacdaro ka dhigay kulankii dalkiisu guusha dirqiga ah kaga gaadhay Germany oo ay ku wada ciyaareen magaalada Munich, taas oo uu laacibkani ahaa furaha goolkii uu iska dhaliyey Mats Hummels.Laacibkan ayaa kubbad baas fog oo dhinaca kale ah waxa uu u tuuray Lucas Hernandez oo isaguna kubadda soo mariyey goolka…