DAAWO: Antonio Rudiger Oo Qaniinay Paul Pogba, Ficilladii Luis Suarez

Difaaca xulka qaranka Germany ee Antonio Rudiger ayaa u muuqday inuu dhabarka ka qaniinay xiddiga reer France ee Paul Pogba intii ay socotay ciyaartii xalay ay labada waddan ku kulmeen magaalada Munich ee tartanka qaramada Yurub.

Kaamirooyinka garoonka ayaa qabtay Paul Pogba oo dib ugu siqaya Rudiger oo isaguna ku foorsaday dhabarkiisa, isla markaana u muuqday inuu qaniinayo, taas oo ay ku xigtay in Pogba uu qayliyey oo uu foorsaday.

Rudiger ayaa la moodayay in markii hore uu iska riixaya Pogba amaba uu gadhkiisa ku gujinayo, laakiin waxay kaamirooyinku muujiyeen in ilkihiisu gaadheen garanka/maaliyadda uu xidhnaa Pogba.

Kubbad-sameeyaha reer France ayaa si degdeg ah ugu tegay garsooraha oo uga cabasho ka muujiyey dhacdada, laakiin waxa muuqatay in aanu garsooruhu dareen badan ka haysanin waxa dhacay.

VAR oo ay ahayd in laga soo hubiyo wixii dhacay ayaan wax dan ah ka gelin oo aan dib u eegin muuqaalka, waxaana loo sheegay Pogba in uu ciyaarta sii wato.

Waqtigii nashada ayaa dhacdadan ay warbaahintu qaadaa-dhigtay, waxaana marba dhinac laga eegay Rudiger iyo ficilkiisa.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa la filayaa inay arrintan baadhitaan ku samayso, waxaana ciqaab adag mudan doona Rudiger haddii falkan lagu helo.

Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee Patrick Vieira, Roy Keane iyo Ian Wright ayaa waqtigii nashada arrintan ka sheekeeyey, waxaanay la yaabeen wixii dhacay, laakiin Roy Keane ayaa ku dooday in aanay qaniinyo ahayn ee ‘gujo’ ay ahayd.

Vieira oo ka hadlay ayaa yidhi: “Marka aad eegto sida uu Pogba u falceliyey, waxay leedahay dareen qaniinyo. Dhab ahaantii ma fahmayo waxa uu doonayay (Rudiger) inuu sameeyo.”

Si kastaba, falkan ayaa waxa uu taageereyaasha soo xasuusiyey qaniinyadii uu Luis Suarez kula kacay difaaca Talyaaniga ee Chiellini sannadkii 2014 intii uu socday Koobkii Adduunka ee sannadkaas iyo qaniinyo ka horreysay oo uu garabka ku goostay difaacii Chelsea ee Branislav Ivanovic.

Qaniinyada uu Suarez kula kacay Chiellini ayaa waxa uu ku mutaystay ganaax afar ciyaarood ah, halka qaniinyada Branislav Ivanovic ciqaab looga dhigay ganaax 10 ciyaarood ah.

Halkan ka daawo sidii wax u dhaceen:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More