LAMA FILAAN: Xiddiga Ay Hoggaamiyaha Cusub Ee Kooxdeeda U Aragto Real
Ka bixitaanka Sergio Ramos ee Real Madrid ayaan ka dhignayn inay kooxdu xagaagan waayayso kaliya awoodiisii ciyaareed ee cajiibka ahayd balse sidoo kale waxa ay waayi doonaan hoggaamintiisii lix sano oo uu kabtan usoo ahaa.Los Blancos oo xilli ciyaareedka dambe isku diyaarinaya nolol uu ka maqan yahay Sergio Ramos ayaa isku dayi doona inay ciyaaryahano badan ugu tiirsanaan doonaan buuxinta booskiisii hoggaamiyenimo.Sanadihii ugu dambeeyay, Madrid ayaa ahayd koox qani ku ah xiddigaha hoggaamiyeyaasha ah, kaliya maaha Ramos…