Waatan Shaxda Ay Man United Ugu Dambayn Doonayso Inay Premier League

Si lamid ah kooxaha kale ee qaarada Yurub, ganacsiga suuqa xagaagan ee Manchester United ayaa ah mid si gaabis ah u socda sababtoo ah tartanka Euro 2020 ee qaaradaas ka soconaya haatan.

Waxa adag in heshiiska maalmahan Euro ay socoto si rasmi ah loo dhammeeyo balse waxa wali muuqda shaqooyin badan oo ka soconaya daaha dabadiisa.

Afar xiddig oo hadda saxeexyadooda loo arko kuwo macquul ah oo ay samayn doonto Man United ayaa kala ah Jadon Sancho, Kieran Trippier, Raphael Varane iyo Tom Heaton iyadoo heshiisyo kale oo la hadal hayaa ay yihiin Harry Kane, Erling Haaland iyo Cristiano Ronaldo.

Man United ayaa dalabaad ka gudbisay Sancho iyo Varane oo ah labada xiddig ee ugu qaalisan qiime ahaan afarta xiddig ee aanu kor kusoo xusnay walow laga soo diiday dalabaadkaas.

Sancho iyo Dortmund ayaa mudo kahor ku heshiiyay inuu fasax yahay haddii qiimaha ay kooxdu ku doonayso laga bixiyo, dalab 67 Milyan oo pound ah ayaa laga soo diiday Red Devils oo ay ku doonayeen 21 sano jirkaas.

Haddaba, wargeyska Mirror ayaa soo saaray shaxda macquulka ah ee ay Manchester ku dagaal geli karto xilli ciyaareedka dambe haddiiba ay sameeyaan dhammaan afartaas saxeex.

Goolhayaha ayaa ah Dean Henderson oo la filayo inuu ka horreyn doono David De Gea iyo Heaton oo saxeex cusub ah labadaba.

Daafaca midig ee shaxdan ayaa ah Trippier oo la filayo inay qaybsan doonaan booskaas Aaron Wan-Bissaka halka ay daafaca dhexe ku midan yihiin Varane iyo kabtan Harry Maguire, daafaca bidix ayaa ah Luke Shaw.

Booska aan waxi isbedel ahi ka dhicin ayaa ah khadka dhexe oo ay kasoo muuqdeen Scott McTominay, Fred iyo Bruno Fernandes oo kasoo hormaray Paul Pogba.

Saddexleyda weerar ayaa kala ah Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Edinson Cavani oo dhawaan heshiis kordhin hal sano oo kale ah u sameeyay kooxdaas.

Shaxda oo Kooban: Henderson, Trippier, Varane, Maguire, Shaw, Fred, McTominay, Fernandes, Sancho, Rashford iyo Cavani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More