Barcelona Oo Go’aan Ka Gaarey Mustaqbalka Philippe Coutinho
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho oo la filayay in xagaagan uu ka tago Camp Nou kaddib sannado ay dhaawacyo iyo bandhig liita isku raaceen.Philippe Coutinho oo Barcelona ay 135 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Liverpool sannadkii 2018 ayaa sannad amaah ah kusoo qaatay Bayern Munich oo uu kula soo guuleystay Champions League, laakiin xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey ayuu intiisa u badan u jiifay dhaawacyo uu illaa hadda ku maqan yahay.Tan iyo January…