Antonio Conte Oo Magacaabay LABADA Xiddig Ee Talyaanigu Iska Ilaalin
Tababarihii hore ee kooxaha Juventus, Chelsea, Inter Milan iyo xulka Talyaaniga ee Antonio Conte ayaa u sheegay tababare Mancini iyo xiddigaha Talyaaniga laba ciyaartoy oo Ingiriis ah oo jidh ahaan xooggan oo ay tahay inay ka taxadaraan kulanka finalka Euro 2020 ee Axadda.Talyaaniga oo rikoodheyaal kusoo garaacay Spain ayaa waajahaya England oo kasoo badisay Denmark, waxaana fiidnimada Axadda ay isku haleeli doonaan Wembley oo ay kasoo xaadiri doonaan in ka badan 60,000 taageere oo Ingiriis yihiin badankoodu.England oo aan…