Ma Rumaysan Kartid: Qiimaha Raqiiska Ah Ee Ay Liverpool Ku Diidday
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iska diidday inay la saxeexato difaaca reer Turkey ee Ozan Kabak oo qiime dhimis aad u weyn loogu sameeyey intii hore ay ugula heshiisay Schalke 04 oo ay qaab amaah iyo heshiis is-wata oo dookh ah kagala soo wareegtay bishii January.Liverpool ayaa bishii January heshiis amaah ah kusoo qaadatay laacibka reer Turkey ee Ozan Kabak, waxaanu heshiisku dhigayay in haddii ay Reds ku qanacdo laacibkan ay si rasmi ah ugula wareegi karayaan £18 milyan oo Gini, hase yeeshee Liverpool ayaa go’aansatay…