Maxaa ku qoran warbixinta ay ka carrootay DF ee kasoo baxday…

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay war bixin lagu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

War kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.

Maxay ka hadashay warbixinta?

Ma jirto war bixin rasmi ah oo uu soo saaray Midowga Afrika, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidday waxyaabaha ku jira war bixintan.

Sida ku xusan qoraalka, Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa warbixintan oo ka kooban 35 bog ku sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen.

Waxay “guddigu” sheegeen inay qiimaynta billaabeen iyagoo ka tallaabo qaadaya qaraarradii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoogay, oo kala ahaa 2520 iyo 2568 (2021)

Qodobbada lagu faahfaahiyay waxay kala yihiin:

Arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo saamaynta hannaanka guud ee dowlad dhisidda
Faahfaahin ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM)
Wadashaqaynta ka dhaxaysa Midowga Afrika (AU) iyo beesha caalamka
Waddooyinka u furan howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya 2021 kaddib
Xogo la ogaaday
Talooyin

Warbixintan ayaa lagu sheegay in qabiillo ay wali saamayn ballaaran ku leeyihiin dhinac walba oo ka mid ah hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu qeexay warbixinta in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan howlaha la xiriira horumarka Soomaaliya.

Dhinaca amaankana, “Xaaladda amni ee Soomaaliya way xasilan tahay balse ma aha mid la saadaalin karo”, ayaa lagu yidhi war bixinta.

“Ma jiraan dhismeyaal maamul oo ay dowladda leedahay, sida maxkamado iyo saldhigyo boolis, xarumo caafimaad, kuwo wax barasho iyo goobo kale oo loogu adeego shacabka,” ayaa ka mid ahaa erayada ku jira war bixinta la sheegay inay kasoo baxday guddiga Midowga Afrika.

“Caqabadda aasaaska ah ee hor taagan xasiloonida Soomaaliya waa in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku guul darraysteen dhammastirka dastuurka qabyo qoraalka ah, xal u helista awood qaybsiga iyo wadaagista kheyraadka”, ayaa lagu yidhi war bixinta.

Talooyinka lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Sidoo kale waxaa waddooyinka furan lagu daray in Amisom ay ka baxdo Soomaaliya kaddibna mas’uuliyadda Amniga lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda qodobbada qodobbada gaarka ah ee ay ka biyo diidday dowladda Soomaaliya, iyadoo laga war dhowrayo jawaabta faahfaahsan ee ay xukuumadda ballan qaadday.

Qoraalka ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay hadda ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada oo in muddo ah soo jiitamayay.

Xigasho: BBC SOMALI

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More