Mareykanka oo sheegay inuu xubno Al-shabab ah ku dilay Jubbada Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawisay la shaqeynta laamaha sirdoonka si loo siiyo macluumaad ku saabsan mintidiinta Al-Shabaab.

Weerarka ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo aan sheegin magacyadooda iyo darajadooda, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay AFRICOM.

Dadka rayidka ah ee deegaanka ayaan wax dhibaato ah ka soo gaarin duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka, sida lagu sheegay warbixinta.

Mareykanka ayaa wali ku howlan duqeymaha cirka ee Soomaaliya, waxaana AFRICOM ay wacad ku martay inaysan joojin doonin howlahooda xitaa hadii ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More