Ciidamadii qabsaday Beledweyne oo laga saaray –

Beledweyne (Axadle) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu guulo ka gaaray kulamo aan loo kala kicin oo 48-kii saac ee u dambeysay uu ka waday magaalada Beledweyne, halkaas oo waayahaan ay ka taagneed xiisad culus.

Yuusuf Dabageed oo kaashanaya Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta beesha ee ku sugan Beledweyne ayaa ku guuleystay in la dhameeyo xiisadii ka taagneyd magaalada, waxaana Beledweyne si nabad ah looga saaray ciidamadii gadoodsanaa ee la wareegay todobaadkii hore.

Yuusuf Dabageed ayaa labadii maalmood ee u dambeysay kulamo aan loo kala kicin oo lagu dhameeynayo xiisadaas waxa uu ka waday magaalada, waxaana xalay u suurta gashay inuu kulan la qaato saraakiisha ciidanka la magac-baxay Badbaadada Hiiraan.

Kulanka uu madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle la qaatay saraakiishaas, Axadle waxay ogaatay in lagu gaaray heshiis hor-dhac ah, kaas oo fulintiisa maanta la guda galay.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne, waxaana Madaxweyne ku xigeenka iyo saraakiisha ku wehliyey Ugaas Yuusuf, odayaal dhaqan iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle.

Waxyaabaha la isku afgartay waxaa ka mid ah in ciidamada la magac-baxay Badbaadada Hiiraan laga saaro xarumata maamulka ee ku yaalla gudaha magaalada oo ciidanka dib loogu celiyo xeryahoodii hore.

Xogta aan ka helnay kulamadii dhacay waxay intaas ku dareysaa in loo balansan yahay shirweyne kale oo lagu dhameeynayo tabashada beesha Xawaadle ay ka qabto dhismaha labaad ee maamulka HirShabelle, kaas oo Beledweyne ka dhici doona maalmaha soo socda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka iyo odayaasha shaqanka Xawaadle ayaa isku raacay in ka talinta aayaha beesha gaar ahaan tabashada haatan taagan looga dambeeyo Ugaaska beesha Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Yuusuf Dabageed ayaa haatan la sheegay inuu ku guuleystay dejinta xiisadii maalmahaan ka taagneyd magaalada Beledweyne oo cabsi weyn laga qabay in gacan qaad uu ka dhaco, maadaama ay magaalada gudaha u galeen ciidamo gadoodsan.

Beesha Xawaadle oo weli saluugsan hanaankii loo maray dhismaha maamulka labaad ee HirShabeelle ayaa si cad u diiday in madaxweynaha maamulkaas uu tago magaalada Beledweyne, taas oo sababtay in HirShabeelle ay kala xiranto, isla markaana ay noqoto halka maamul oo weli aan bilaabin doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More