Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Waare oo qorsheeyay howlgal lagu sugayo Shabeelaha Dhexe
Hogaamiyaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qorsheeyay howlgal lagu sugayo ammaanka Magaalada Jowhar, Deegaannada duleedkeeda ah iyo wadada isku xirta Muqdisho iyo xarunta maamulkiisa.
Muqdisho ayuu ka bilaabay taageero u raadinta howlgalka lagu sugayo ammaanka Jowhar, waxaana uu la kulmay saraakiil Ciidan oo uu ugu darajo sareeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.
Waxa uu u yeeray saraakiisha Militariga ee qaabilsan Gobollada Shabeelaha Dhexe…
Al Shabaab oo Caleemo saartay Suldaanka Muddulood Ee
Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa sheegay in uu Suldaan cusub ugu caana-shubtay Beesha Muddulood ee gobolada Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya.
Munaasabadda Calleemasaarka Suldaanka oo kadhacday degmada Jilib ayaa Xarakadu ku sheegtay in Sheekh Cabdifitaax Xasan yahay Suldaanka Muddulood ee Jubbooyinka.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Salaadiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka tirsan beesha Mudulood oo ka kala yimid deegaanada ay ka degaan gobollada Soomaaliya, si gaar ah…
Golaha shacabka oo meelmariyay heshiiska Iskaashiga
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Heshiiska Iskaashiga Arrimaha waxbarashada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga,waxaana codka haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka maanta joogay kulanka golaha.
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa September 14, 2020, akhrinta 1-aad marsiiyey heshiiska waxbarasho ee dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
Ujeedada heshiiska ayaa iskaashi…
Maraykanka iyo Shiinaha oo ku baaqay joojinta dagaalka
Madaxweyne Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulku uu isha ku hayo rabshado ka dhex qarxay Armenia iyo Azerbaijan oo ku saabsan muranka la isku muransanyahay ee Nagorno-Karabakh kaas oo ay ku dhinteen daraasiin dad ah iyo kor u kac cabsida laga qabo dagaal ballaadhan oo u dhexeeya labadaan wadan ee dariska ah.
Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu dilay dagaalkaas oo maalinkii labaad socda.
Labada dhinac ayaa muddo dheer isku khilaafsanaa kala goynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo…
Mareykanka oo dal ku galka ku adkeynaya Arday Soomaali ku
Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka ee loosoo gaabiyo (DHS) ayaa soo jeedisay tilmaamo cusub oo xaddidaya ardayda caalamiga ah ee wax ku barata goobaha waxbarasho ee dalkaas ku yaalla.
Muddo labo sano ah ayaa lagu soo koobayaa dal ku galka Mareykanka ama ogolaanshiyaha joogitaanka, waxaana laga magac dhex xusay Ardayda Nigeria oo aan horay usoo geli jirin xadidaada. Ujeedka qorshahaan waa siyaasadda Caalamiga ah ee cusub waa in Ardayda wax ka barta Mareykanka ee Ajaanibta ah la…
Booliiska Dhuusamareeb oo dalbaday in laga gacansiiyo
Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo hoggaaminayay kormeer Amni Xaqiijin ah ayaa la kulmay qaar kamid ah shacabka Xarunta DG Galmudug, isaga oo ka dalbaday la shaqeynta Ciidanka.
Dhamme Nuur Cilmi ayaa shacabka ka codsaday in ay ku wargeliyaan haddii ay helaan macluumaad ka dhan ah Xasiloonida Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamul Goboleedka Galmudug.
Booliiska ayuu sheegay in ay gudanayaan Wajibaadka saaran, sidaas awgeed, shacabka laga doonayo in ay ka…
Hay’adaha ammaanka DFS oo la amray la dagaalanka Walxaha
Kulan looga hadlayay wax ka qabashada Cabasho la xiriirta walxaha maanka-dooriya ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana lagu go’aamiyay in la sameeyo howlgal cagta lagu marinayo walxahaas oo qayb ka ah Amni darrada Caasimadda.
Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la faray in ay waajib iska saaraan wax ka qabashada walxaha maanka-Dooriya ee lagu dhex iibiyo Xaafadaha iyo meelaha gaarka ah si gacan adag loogu qabto dadka iibiya iyo kuwa isticmaala.
Gudoomiyaha…
Kenya oo Dad la tuhmayo in ay Soomaali ku jirto u xirtay
Ciidamada ammaanka Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ayaa gacanta ku dhigay qaad si sharci darro ah looga qaadayay dalkaas, waxaana loo waday Dalka Norway si loogu kala iibsado suuq madow.
140 Kg oo qaad ah ayaa la qabtay, waxaana lagu qariyay Kabo nuuca xiran ee loo yaqaan Buudka, waa laga shakiyay culeyska kabaha, kadib waala baaray waana lagu arkay qaadkaas lagu qariyay sida uu qoray Wargeyska The Standard ee kasoo baxa wadanka Kenya.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray dad aysan…
Maraykanka oo balanqaaday in uu Soomaaliya ka cafindoono $1
Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa maanta kala saxiixday heshiiska deyn cafinta, Heshiiskan oo ka dhacay safaaradda Mareynkanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Mahdi Maxamed Guulleed Khadar sii hayaha Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.
Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in deynta lagu leeyahay Soomaaliya la wada cafiyo isaga oo…
Dowladda iyo Xuutiyiinta Yemen oo isku raacay isdhaafsiga
Dowlada Yaman iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa isku raacay liiska 1,080 maxbuus taasoo noqon doonta isku weydaarsigii ugu balaarnaa ee dhexmara labada dhinac.
Dhinacyada dagaallamaya ee Yemen ayaa isku raacay in la is-dhaafsadaan illaa 1,000 maxaabiis ah, oo ay ku jiraan 19 ka mid ah askarta Sucuudiga, taas oo qayb ahaan lagu hirgelinayo tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida ee lagu heshiiyey intii lagu jiray wadahadalladii nabadeed ee lagu qabtay Sweden dhammaadkii 2018.
Ilo wareedyo xog ogaal u ah wadahadalada ayaa…