Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Imaaraadka iyo Israel oo ka wada hadlaya sidii loo dhisi lahaa dhuun shidaal oo mareysa Sacuudiga.
Imaaraatka iyo Israel ayaa ka gorgortamaya sidii ay u dhisi lahaayeen dhuun shidaal. Sawir: Reuters.
Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Israel ayaa diyaarinaya wado ay maraan maraakiibta oo gacan ka geysan doonta sidii loo badbaadin lahaa kharashka shidaalka ceyriin ee booyada lagu sii mariyo kanaalka Marinka Suweys ee Masar, iyadoo lacag loo keenayo Israel.
Saxaafadda Carabta ayaa 20-kii Sebtember werisay in saraakiisha Israa’iil ay wadahadallo la yeesheen Imaaraadka…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ku eedeeyay madaxda DFS boob ka dhan ah Matalaadda Gobaladda Waqooyi!
Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta oo Axada shir jaraa’id ku qabtay caasimada wadanka ee Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya iyo arrimo kale.
Hogaamiyaha Mucaaradka ah ayaa sheegay in doorashada la boobayo ee la rabo in la dhaco ay tahay kuraasta xubnaha ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi ee doorashadooda ka…
Itoobiya oo Maxkamadeyneysa Jawaar Maxamed & Rag la eedeysan!
Xeer ilaaliyaha Itoobiya ayaa sheegay in Berri oo Isniin ah la maxkamadeynayo Siyaasiga Oromada ah ee Jawaar Maxamed iyo 24-ruux oo kale kuna eedeysan waxa loogu yeeray falal Argagixiso.
Qaarkood ayaa maqanayaal ah, waxaana gacanta Dowladda ku jira shaqsiyaad koobaan oo uu ugu tun weyn yahay Jawaar Maxamed oo mar awood badan ku lahaa Warbaahinta balse u xuubsiibtay dhanka Siyaasadda.
Eedeynta ugu weyn ee loo heysto waa in dhimashada 150-ruux, inkasta oo Hay’adda Xuquuqda…
Goorma ayaa Golaha Shacabka la horgeynayaa Maxamed Xuseen Rooble?
Fadhiga golaha shacabka
Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee XFS Maxamed Xuseen Rooble oo haatan sugaya hortagista Golaha Shacabka si uu kalsoonida ugu helo, maadaama uu ka dalbaday codsiintiisa ayaa la ogaaday waqtiga uu Madaxweyne Farmaajo la hortagayo Aqalka Shacabka.
Ilo xog ogaal ah, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo u dhaw Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Saddexda Cishe ayaa Axadle u sheegay in kulanka Berri ee Golaha Shacabka Ajendaha uu yahay kalsooni siinta Wasiirka…
“Lacagta cusub ee Itoobiya waa Caqabad kusoo korortay Soomaalida” Hirmooge.
Cabdulqaadir Cadaani Hirmooge Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale ay soo wajahday Ganacsatada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), kadib markii Dowladda Federaalka Itoobiya ay dalabtay sameynta lacag cusub.
Waxyaabaha isku xiray lacagtaas cusub iyo dhibaatadaan waxa uu ku sifeeyay in badi hantida dadka Soomaalida Itoobiya ay uga maqan tahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya oo ganacsi wadaag yihiin.
Amar kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayuu sheegay in lagu joojiyay…
Malta oo xirtay Askari dhaawacay Tahriibe Soomaali ah!
Darren Bonello oo kamid ah Ilaalada Xerada Qaxootiga Malta ee Safi ayaa lagu oogay dacwad ka dhan ah dhaawac uu u geystay Cabdiraxmaan Cabdullaah Xamsa oo ah tahriibe Soomaali ah oo ku sugnaa xeradaas.
Askariga ayaa la sheegay in uu rasaasta furay kadib markii ay baxsadeen 27-ruux oo uu qayb ka ahaa Wiilka Soomaaliga ah, maadaama uu doonayay in uu cabsi geliyo dadka si aysan xerada uga baxsan.
Darren Bonello oo ah 30-Sano jir ayaa lasoo taagay maxkamad, waxaana hubka looga…
Ra’iisul wasaaraha Magacaaban oo aqbalay xilka uu u igmaday Madaxweyne Farmaajo.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la hadlay Warbaahinta ayaa si kooban u sheegay in uu aqbalay xilkaas loo magacaabay.
Rooble ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo, waxaana uu hadlay wax kayar daqiiqad, isaga oo diiradda saaray aqbalidda xilka loo magacaabay iyo codsashada codka kalsoonida Golaha Shacabka BFS oo leh go’aanka uu ku shaqeyn karo.
Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble…
Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb!
Wararka ka Imaanaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in galabta dagaal kooban oo u dhexeeya ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Miir-dugul oo khiyaastii 25 KM dhanka Koofur Bari ugu began Dhuusamareeb.
Ciidamo ka tirsan guutada 15 aad qayta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo ka baxay magaalada Dhuusamareeb kuna sii jeeday deegaanka Miir-dugul ayaa waxaa wadada ugalay xubno ka tirsan Al Shabaab taas oo keentay in dagaal…
Ra’isalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya ma Danbi ayuu ka galay Sweden?!
Waxaa Social mediyaha Wareegaya nin Magaciisa la yiraahdo Mohamed Hussein Roble oo Maxkamad ku taal Gobolka Värmland ee Dalka Sweden ay ku Xukuntay Dambiyo Bishii 5aad ee Sanadka aan ku jirro, Dad badan ayaa u qaatay inuu ninkaasi yahay Ra’isalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya, Kuwa kalena iyaga oo ay Mucaaradnimo iyo Fadeexeyn ka tahay ayey aad u wad wadaan Qoraaladaas.
Hadaba waxaan Doonayaa inaan Qoraalkaan Kooban kaga hadlo kala duwanaanshaha Labada Qof iyo inaan Cadeeyo Qofkaas inuusan ahayn Mohamed Hussein Rooblaha loo…
Maraykanka waji-gabax kala kulmay cunaqabataynta Iran kuna dhawaaqay tallaabo uu kaligii ku yahay!
13 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan kuwo muddo dheer xulafo la ahaa Mareykanka, ayaa sheegaya in tallaabada Washington ay tahay mid aan waxba ka jirin
Mareykanka ayaa si iskiis ah usheegi doona dhamaadka usbuucan in cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee lagu bartilmaameedsanayo Iran ay markale dhaqan gashay, iyadoo ay garabkiisa ka bexeen inta badan xubnaha Golaha Amaanka qaramada midoobay (UNSC) oo ay ku jiraan kuwo muddo dheer…