Sideed qof ayaa lagu diley duleedka Muqdisho – Axadle
Muqdisho (Axadle) – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday duleedka Caasimadda Muqdisho, kadib markii dhisme duug ah uu ku dumay dad barakacayaal ah oo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley.
Wararka ayaa sheegaya in darbigan oo ay deganaayeen qoysas danyar ah oo ka soo barakacay Shabellaha Hoose, ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay, halka afar kalana ay ku dhaawacantay.
- Advertisement -
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha uu soo dumay uu ka dhashay roob mahiigaan ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka da’ayay Axadle.
“Darbi dheer oo duug ah ayaa ku dumay dadkan waxaana ku dhintay lix qof oo ay ku jiraan hooyo, caruurteeda iyo dad kale oo deris ah, afar qof ayaa ku dhaawacantay oo labo ka mid ah ay dhinteen, roobabkii ugu dambeeyay ayaa wiiqay dhismaha” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Qaban qaabada aaska ayaa sidoo kale socota dhamaan dadkii ku dhintay dhacdadii ku barakicisay deegaanka Garasbaaley IV.
Ma ahan dhacdo ugub ah, waxaana dhowr jeer ka dhacay Caasimadda Muqdisho dhimasho iyo dhaawac ka dhashay burburka dhismayaasha Axadle.