Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Trump oo shaqada ka eryay sarkaal ka tirsan guddiga
Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada ka eryay sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada kaas oo ka hor yimid sheegashada Trump ee aheyd in doorashada lagu shubtay.
Trump wuxuu sheegay in shaqada uu ka joojiyay madaxii guddiga doorashada u qaabilsanaa amniga internetka Chris Krebs isla markaana uu jeediyay ‘hadallo khalad ah’ oo ku saabsan hufnaanta codeynta.
Hogaamiye Trump wuxuu diiday in uu aqbalo natiijada doorashada, wuxuuna jeediyay hadallo aan xaqiiq aheyn…
Ciidanka AMISOM oo furay rasaas Dhimasho & Dhaawac u
Saiwr hore
8-dii, dhowr iyo toban Daqiiqo saakay waxa uu qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Fagax & Masjidka Turkiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa geeriyootay, halka tiro kale ay dhaawacmeen, kadib markii ciidamada AMISOM Qarax kadib ay rideen rasaas xooggan oo qaarkood dadka deegaanka guryahooda ugu tagtay.
Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay rideen Qoryaha loo…
Guddiga KMG ah ee diyaarinta Warbixinta Covid-19 oo u yeeray
Guddiga KMG ah ee Golaha Shacabka BFS u wakiishay warbixin kasoo diyaarinta Xaaladda Covid-19 ee Soomaaliya, tallaabooyinka la qaaday & dabagalka deeqihii gacanta Xukuumadda ku dhacay ayaa ka fadhiistay qorshe howleedka laga sugayo.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 9-ruux ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana ay go’aamiyeen in loo yeero Hay’adaha Caafimaadka Dowladda Federaalka ee qabtay shaqada la xiriirta Coronavirus.
Guddiga ayaa doonaya in ay…
Maxaa ka jira in Militariga Mareykanka uu iibsaday Muslim
Militariga Mareykanka ayaa la ogaaday in uu iibsaday App la degsaday ku dhawaad 100 Milyan oo jeer, waxaana isticmaalkiisa u badan dadka muslimiinta ah ee kala jooga guud ahaan caalamka.
Xog baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in Isniintii todobaadkaan la kashifay sirka ka dambeysa in Mareykanka uu iibsaday App-kaan, sababta ka dambeysay iyo waxa uu qabto ee sababta u ah in Xukuumadda Washington faraha la gasho.
Wargeyska Motherboard ayaa sheegay in uu wareystay dad kala…
Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay qorshe ka dhan ah Hogaamiyayaasha Tigray.
Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa ku dhawaaqay qorshe ka dhan ah ismaamulka Tigray, kadib markii uu dhamaaday waqtigii uu u qabtay in ay isu soo dhiibaan hogaamiyayaasha ismaamulkaas.
Abiy ayaa sheegay in saddex cishe uu fursad ahaan u siiyay hogaamiyayaasha Tigray, balse sooma bandhigin mas’uuliyiin ka faaiideysatay, marka la dhadhansado hadalkiisa xaalku waxa uu u muuqdaa in aysan dhaqangelin riyadiisa siyaasadeed.
Waxa uu ku hanjabay in uu ku dhaqaaqayo…
Kulamo looga hadlaya xal ka gaarista cabashada ka taagan
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaya sidii loo xalin lahaa cabashada ka timid magacaabista xubnaha Guddiga doorashada 20/21 oo Xisbiyada Mucaaradka ay sheegeen in ay u badan yihiin saraakiil katirsan Nabadsugidda & Madaxtooyada.
Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo kamid ah madax goboleedyada magacawday Guddiga Doorashada 20/21 ee cabashada ka timid oo Muqdisho soo gaaray 15-ka November 2020 waxa uu qaabilay xubno u badan Xisbiyada…
Ciidamada ammaanka Laascaanood oo dad u xiray dil loo
Ciidamada ammaanka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sameeyay baaris ay ku qabteen shaqsiyaad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen dil xalay fiidkii loo geystay sarkaal katirsan maxkamadda degmadaas.
Hay’adaha ammaanka ayaa baaraya shaqsiyaadka ay usoo qabteen dilka loo geystay garsooraha maxkamadeed ee ka shaqeynayay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.
Garsooraha la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Salaad (Wadaad…
Mareykanka oo Xayiraad dhaqaale saaray Saraakiil katirsan
Xubino hubeysan oo ka tirsan dagaalyahanada al-Shabab ayaa ka qayb galay isu soo bax ka dhacay duleedka Muqdisho, Soomaaliya.
AP
Maamulka Hogaamiye Trump ayaa xayiraad kusoo rogay saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ay ku eedeysan yihiin weeraro kala duwan oo ka dhacay Geeska Afrika sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Xukuumadda Washington ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso sanadkii 2008, hoggaamiyaashooda waxaa madaxooda la dul dhigay adduun…
Taliyaha Sidoonka Taliyaaniga oo Muqdisho kula kulmay Fahad
Taliyaha hay’ada Siradoonka Talyaaniga Gen. Giovanni Caravelli ayaa booqasho aan la shaacin ku yimid magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa uuna la kulmay Agaasimaha hay’ada sirdoonka Soomaaliya NISA Fahad Yasiin Xaaji Daahir.
Qoraal lagu daabay barta Twetter-ka NISA ayaa lagu shaaciyay in laba taliye ay ka wada hadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac
Macada u jeedka rasmiga ah ee ka dambeeya socdaalka taliyaha Tirsoonka Talyaaniga ee…
Taliska Booliska oo faah faahiyay Khasaaraha ka dhashay
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Sadiiq Adan Cali Doodishe.
Taliska Ciidan Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Duhurnimadii Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay 6 ruux ay dhinteen.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saadiiq Aadan Cali Doodisho ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 8 ruux.
Sadiiq…