Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Axmed Madoobe oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiirrada
Hogaamiye Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa waxaa uu isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada ee Maamulkiisa.
Isku shaandheyntan oo todobaadyadii la soo dhaafay laga hadal hayay degaannada Jubaland ayaa waxaa ay saameysay qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.
Wasiirrada qaar ayaa waxaa lagu beddelay Wasiirro kale iyagana loo magacaabay kuwo kale,waxaana ay isku shaandheynta u qoran tahay sidan.
Qalbidhagax oo gaaray Nairobi – AxadleTM
Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo Khamiistii laga sii daayay Xabsi ku yaal Itoobiya ayaa ka dhoofay Garoonka Bole ee Magaalada Adis-Ababa.
Qalbidhagax, Waxa uu gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo ay kasoctay qabanqaabo balaaran oo loogu jiro soo dhaweyntiisa, Dadka soo dhaweynaya ayaa isugu jira shacab taageero u haya Sarkaalka iyo Xubno kamid ah ONLF oo si caadi ah Nairobi u jooga.
Gawaari ay ku ixranyihiin Cod baahiyayaal, ayna ku dheganyihiin…
Hay’adda dembi-baarista Soomaaliya oo xirtay afhayeenkii hore ee Galmudug
Hay’adda Dambi baarista Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka soo saartay maanta warqad u yeeris ah oo ku socotay Afhayeenkii hore ee Maamulka Galmudug Cabdullahi Xaashi Faarax.
Cabdullahi ayaa maalma ka hor sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku xireen Muqdisho,isaga oo xusay in ay ka qaadeen Sawirro aan anshax ahaan wanaagsaneyn.
Waxaa uu sheegay in lagu heystay farriin uu boggiisa Facebook, ku qoray taas oo uu uga hadlay siideynta Cabdikariin Sh. Muuse…
Duqa Muqdisho oo xoolaha ka mamnuucay gudaha Magaalada,Wareegto
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay Xoolaha lagu siidaayo Magaalada gudaheeda.
Wareegtadan waxaa uu digniin ugu diray dadka leh Xoolaha,waxaana uu ku sheegay in qofkii saddex jeer la ganaaxo ee aan xoolaheeda ka celin magaalada lagala wareegayo.
Xoolahan,waxaa ay isugu jiraan Ari Lo’ iyo Geel,waxaana caadi ka ah Magaalada in aad ku dhex aragto Xoole daaqaya.
Maamulladii ka horreeyay…
Waa maxay Nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran?
Sida uu dhigayo heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee ka soo baxay shirkii golaha amniga qaranka oo ka dhacay Baydhaba June-2018; HabkaDoorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee Sanadka 2020, waxa uu noqonayaa nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran (Proportional Representation –Closed List)
War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Amniga Qaranka
Haddaba waa maxay nidaamka Matelaadda Isu Dheelitiran ee nooca Liiska Xiran?Qormadan waxa ku jira lafa-gur…
Falanqeyn: Is-afgaradka Soomaaliya iyo Itoobiya
Hordhac:
3; Raisalwasaare oo Itoobiya yeelatay kaddib burburka xukunkii Mingiste ayaa Booqday Muqdisho, Raisalwasaare
Abiy Axmed Cali; waa raisalwasaarihii 3aad ee yimaada Muqdisho isaga oo haysta casuumadda madax Soomaaliyeed, waxa ka horreeyey raisalwasaare Meles Zenawi Asres oo June-2007; ku yimid Muqdisho booqashadii loo bixiyey Booqashada ku soo boodka, waxa xigay raisalwasaare Hailemariam Desalegn oo isna booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho toban sano kaddib booqashadii…
Janaraal Bogmadow: Waxaan Jilib ku dilnay 30 dagaalame oo Shabaab ah iyo 4 Hogaamiye.
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal ka fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe, Sidaas waxaa sheegay Saraakiil Ciidan.
Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.
Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada ku hadasha Codka Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada…
Koonfur Galbeed: Saddex sano kaddib “Isbeddel ya fadaanee”
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Munaasabad loogu yeeray xuska 3; guurada Asaaska Koofurgalbeed, hayeeshee u muuqatay mid lagu kar-jebinayey nux-nuxda xildhibaano iyo siyaasiyiin kala heerar duwan oo ka socota Baydhaba; ayaa ka dhacday dhowaan dhismaha Madaxtooyada KGS.
Waxa lagu soo bandhigay heeso iyo riwaayado u eg kuwii Kacaanka oo lagula hadlayey dad aan magacooda la xusin balse ficilada iyo howlaha ay hayaan lagu sheegay kuwo looga horjeedo KGS, waxaana sida aan ka fahmay…
Madaxweyne u muuqo sida laguu maleynayo!
8-Febraury-2017, Bidix: MW Xasan SHeekh, Dhexda: MW: Farmaajo, Midig: MW SHariif
Marka aan u fiirsado sida hadda rayn-reynta iyo farxadda loogu soo dhoweeyey guushaada madaxweynenimmo oo aan garab-dhigo sida aad u muuqan doonto marka xamaasadda iyo xiisuhu waayaan Gaawe, Dhakal ama Ameel lagu liso lagu keydiyo, markii loo baahdana laga faa’iideysto, waxa ii muuqata in aadan waxqabad ka weyn kana duwan kan madaxdii kaa horeysay aadan keeni doonin.
Haddaba inta aan ogahay aan…
China-US relations Djibouti at the center of a new Cold War
With the arrival of the new US President, fiercely opposed to China, Djibouti risks being caught between the two great world supper power.