Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Odoyaasha Koofur Galbeed oo ka digay Xasilooni darro ka

Magaalada Baydhabo waxaa ku kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed & Odoyaasha dhaqanka DG Koofur Galbeed si uu ugu bandhigo Ololihiisa doorashada 20/21. Odoyaasha dhaqanka ayaa dhankooda Shariif Sheekh Axmed la wadaagay welwelka ay ka qabaan hadallada xanafta leh oo ay is dhaafsanayaan Dowladda Federaalka & Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21. Waxgaradka ayaa ka digay foodo iyo kala dambeyn la’aan ka dhalata Doorashada 20/21 in dalka loo horseedo,…

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay

Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxida Jalaato Devino oo ku taalla wadada isku xirta KM4 & Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay 8-qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay qaraxa, halka ay dhaawacmeen 10-ruux oo la geeyay Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo, sida Axadle ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta kula…

Bixitaanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya oo fursad u

Sida uu daabacay Wargeyska Foreign Policy, tallaabada Hogaamiyaha xilka ka degaya Mareykanka ee Donald Trump uu Soomaaliya ugu saarayo Ciidamada ka jooga waxa ay fursad u noqon kartaa Shiinaha & Ruushka oo tartan dhanka Militariga & ganacsiga uu ka dhaxeeyo. Wargeyska waxa uu sheegay in bilawga Bishaan November 2020 uu Trump go’aansaday dhaqangelinta go’aanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya in uu ka saaro kahor inta uusan xafiiska wareejin. Waxaa la fahamsan yahay in…

Dagaalka Tigray oo laga cabsi qabo in uu dhaliyo Jabhado

Ciidanka Ismaamulka Tigray Waxaa daba-dheeraaday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & kuwa Tigray, inkasta oo Xukuumadda Abiy Ahmed aysan si buuxda u gaarin hadafkeeda ah in ay gacanta ku dhigto xoogga TPLF. Abiy Ahmed ayaa labo jeer fursad min saddex cishe ah siiyay hoggaanka TPLF, balse ilaa haatan ma jiro mas’uul ka faaiideystay oo iska dhiibay dhanka Tigray si uu u maro dhanka Dowladda Federaalka. Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in wajiga…

Kenya oo xirtay Rakaab sameystay Shahaadada Covid-19 oo been

Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) waxaa lagu xiray 17-ruux oo rakaab ah, kadib markii lagu helay in ay sameysteen shahaadada Caafimaadka Covid-19 oo been abuur ah. Dadkaan ayaa lagu ogaaday kadib markii warqadaha ay wataan la mariyay qaybta hubinta (Scan), balse Dhuuxa hoose ee warqaddda caddeyneysa in ay tahay iyo in ay been abuur tahay laga waayay shahaadooyinkii Caafimaad ay wateen. Warbaahinta Kenya ayaa tabisay in Wasaaradda Caafimaadka…

DG Puntland & Galmudug oo iska kaashanaya Amniga & Sarifka.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee DG Puntland & Galmudug oo ay wehliyaan maamulka Magaalada Gaalkacyo oo Koofur & Waqooyi ugu kala qaybsan labada Dowlad Goboleed ayaa fadhi ka yeeshay arrimo kasoo kordhay Gobolkaas. Waxyaabaha miiska saaran oo ay is tusiyeen mas’uuliyiinta Puntland & Galmudug waxaa kamid ah: Sugidda Amniga oo muhiim u ah xasiloonida Gobolka, Sarifka lacagta oo  sare kac qiimaha Maciishadda Sababay & la dagaalanka ka gacansiga Walxaha maanka…

Musharixiiinta Hogaamiyaha 20/21 oo xoogga saaraya Dowlad

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21 ayaa Magaalada Baydhabo ka wada kulamo looga xaajoonayo Doorashada Dalka. Kulamada intooda badan waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee DG Koofur Galbeed, qaybaha kala duwan ee Bulshada & shaqsiiyaadka uu u arko in ay kaalin muuqata ku leeyihiin Doorashada Soomaaliya 20/21. Wafdiga Musharixiinta Hogaamiyaha ayaa ujeedkooda ah sidii ay ula…

Ololaha madaxtinimo ee Shariif Sheekh Axmed oo ka billowday

Dowlad-goboleedka KGS oo Baydhaba kusoo dhoweynaya Musharax madaxweyne Sh SHariif HSeekh Axmed madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ololihiisa doorashooyinka madaxweyne ee 2021 waxa uu kabillowday Baydhaba oo ah caasimadda kmg ah ee DG Koofurgalbeed, musharax Shriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda 2009-2012 iyo wafdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin xildhibaano katirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa…

Xisbiyadda mucaaradka oo ku hanjabay in ay qaban doonaan

Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka xilli ay soo gabagabeeyeen kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho. Waxa ay sheegeen in guddigan lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda gaar ahaan nabadsugidda iyo sirddoonka, shaqaalaha maamulka, shaqaalaha madaxtooyada iyo shakhsiyaad taageero u ah madaxweynaha. Musharraxiinta mucaaradka waxay ku hanjabeen in ay…