Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Maxaa ka jira in xukumaddu xaraysay guddigii doorashada ee

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xareeysay Xubnaha Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed oo wali  kala dhiman, iyadoo la dejiyay Hotelka Peace, ee Magaalada muqdisho,iyada oo laga soo raray hotelkii hore ee Decale. Xubnaha guddiyada la xareeyay ayaa kala ah Guddigii doorashada dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug & min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed. Xubnahan ayaa muddo todobaad ah…

Muxuu yahay ujeedka socdaalka “Taariikhiga” ah ee taliyaha

Taliyaha ciidanka Hindiya Manoj Mukund Naravane . Taliyaha ciidanka Hindiya Generaal Mukund Naravane ayaa bilaabay booqasho taariikhi ah oo lix maalmood qaadatay oo uu ku tagay Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Saudi Arabia, waa booqashadii ugu horreysay ee noocan ah ee uu ku tago labada dal ee Khaliijka ku hoggaamiya dhanka Milatariga. Booqashada Jeneral Naravane, Taliyaha Guud ee Shaqaalaha (COAS), ayaa ujeedkeedu yahay “xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo iskaashi…

Qaramada Midoobay oo sheegtay in 2020 ay barakaceen in ka

Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soosaartay waxa ay kusoo bandhigay dalalka ugu badan ee sanadkaan 2020 colaadda ka jirta awgeed looga barakacay & tirada lagu qiyaasayo qoysaska naftooda la baxsaday. Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Dalalka hoos ku xusan ay yihiin kuwa ugu badan ee dadkoodu ka barakaceen isku dhacyada & xasilooni darrada ka taagan: Suuriya, Bartamaha Gobolka Afrika ee Saaxil, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC), Mozambique,…

Kenya & Itoobiya oo ammaanka Xadka ay wadaagaan u adkeeyay

Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ayaa lasoo dhigay Xadka dalkaas uu la wadaago Kenya, halka Xukuumadda Nairobi ay joojisay dhaq-dhaqaaqa Magaalooyinka xiga Soohdinta Dowladda Federalka Itoobiya ay la wadaagto. Sababtu waa safarka Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed maanta oo Arbaco ah uu ku tagay Kenya si mashruuc ay kawada faaiideysanayaan labada dal ay u furaan isaga & Hogaamiye Uhuru Kenyatta. Cabbir ahaan dhulka mashruucaan ku kacay ayaa ah 861 KM oo isku xiraya…

“Makiinadaha marka lacagaha lagu daabaco kadib ciid ayaa la

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay dhibaatada laga dhaxlay diidmada Kunka shillin isbadalka Shillin Soomaaliga ayaa tilmaamay sababta ugu weyn ee marqura sare u qaadatay sarifka. Deni ayaa sheegay in ay jiraan Makiinado lagu daabaco lacagta oo ilaa afar gaaraya, marka ay lacagta soosaarto dadka heysta in ay ciid geliyaan si ay u qariyaan culeyskeeda oo ay dhaqaale badan uga helaan sida uu hadalka u dhigay. Hoggaamiyaha Puntland ayaa sheegay in…

Musuqa Soomaaliya halkee ayuu gaarsiisan yahay? – Axadle

Maanta Dunida waxaa laga maamuusayaa maalinta loo goonida yeelay la dagaalanka Musuqa ama wax is dabamarinta, waxaana la soo bandhigaa dalalka ugu badan ee xatooyada ka dhaceen & kuwa meel wanaagsan ka gaaray kahortagga. Musuqa waa qorshaha wax loo bixiyo oo si kale loo maamulo ama la geliyo gacan aan ahayn tan loogu talagalay, inta badan waxa uu ka dhacaa Hay’adaha, Dowladaha & meelaha dadka wax loo mariyo. Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal adag ay…

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta dhageysaneysa Kiis

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah dhageysaneysa Kiis dacweed ka dhashay Kufsi & Dil loo geystay Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana dhacay 11-kii September 2020. Falkaan ayaa ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, Ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay shaqsiyaad ay isla markii uu ficilka dhacay qabatay & Wiilka sheegay in uu ballamiyay Gabadha oo lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Ehelka Xamdi ayaa soo jeediyay in…

Qoor-Qoor oo bilaabay wada-xaajoodka uu ku dhammeynayo

Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa bilaabay wada hadal uu ku dhammeynayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & musharixiinta Hogaamiyaha Soomaliya ee kahor yimid Guddiga maamulada Doorashada 20/21. Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Hogaamiye Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu Xukuumadda Federaalka uga cudur daartay in Guddiga uu soo gudbiyay lagu biiriyo tababarka la siinayo. Ujeedka uu u qaatay go’aankaas ayaa ah sidii uusan dhaawac siyaasadeed ugu geysan lahayn wada…

Mareykanka oo cuna-qabatayn saaray saraakiil Shiinees ah! –

Maamulka Hogaamiye Donald Trump  ayaa xayiraado cusub kusoo rogtay saraakiil Shiinees ah, sababo la xiriira waxa loogu yeeray caburinta Hong Kong ay ku hayso Xukumadda Beijing sida ay ku warantay wakaaladda Wararka AFP. Maamulka madaxweyne Trump ayaa ayaa maalmaha ugu harsan xukunka u adgeesanayey in uu cadaadiska ku kordhiyo Shiinaha, taasi oo u muuqata siyaasad ay si naadir ah ay uga midaysan yihiin madaxweynaha la doortay Joe Biden, oo isna muujiyey inuu sii joogteyn doono…

Maxkamadda Sare Puntland oo mudeysay dhageysiga kiiska

Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa si rasmiya u muddaysay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad-goboleedka Puntland. Maxkamadda sare, waxa ay dhegaysiga kiiskaas u muddaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda. Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee…