Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Mareykanka oo ku baaqay in wada-xaajood siyaasadeed laga

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha. Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada. Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo…

RW Rooble oo QM la wadaagay Doorashada 20/21, Amniga &

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku xog dhageysanayay Xaaladda Soomaaliya & diyaargarowga Doorashada 20/21. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga (Video Conference) waxaa mid mid loo dhageystay warbixinnada ay hayaan shaqsiyaadka ka qaybgalay oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya, Hoggaanka sare ee AMISOM, Hay’adaha la socda xaaladda dalka &…

Weerar lagu qaaday Masjid oo lagu dilay 5 qof, lagu

Dabley ayaa shan qof ku dilay, 18 kalena ku afduubtay weerar ay ku qaadeen Masjid ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliska gobolka sheegeen. Illaa boqol dabley oo ah tuugada lo’da xadda oo ku socda mootooyin ayaa rasaas ku furay Masjidka oo ku yaalla xaafadda Dutsen Gari ee degmada Maru, xilli ay dadka dukanayey salaadda Jimcaha. “Burcadda waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii…

Maxaa ka jira in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee harunta gobolka Hiraan ayaa sheegaya in safar uu maanta ku tagi lahaa madaweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu uga baaqday xiisad ka jirta duuleedka magaalada Baledweyne halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle. Hogaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah ka dago garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee  magaalada Baledweyne si loogu Caleema saaro…

Cabdi Xaashi oo ku biiray shirka midowga Musharixiinta uga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shirka maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho uga socda Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyaha Soomaaliya. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dalka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii ay Musharaxiinta u sameeysan lahaayeen Golle is-baheysi oo mid ah. Sidoo kale Shirka…

Golaha Wasiirada DG Puntland oo fadhi degdeg ah ka yeeshay

Hogaamiye ku xigeenka DG Puntland ahna ku simaha Hogaamiyaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa fadhi degdeg ah la yeeshay Golaha Wasiirada maamulkaas, waxa ay diiradda saareen xaaladda Magaalo xeebeedyada Gobolka Bari. Golaha Wasiirada ayaa dhageystay Warbixinta ku simaha Hogaamiyaha ee la xiriirta xogta uu uruuriyay saacadihii lasoo dhaafay oo Roob Dabayl wata uu ku da’ay Degmooyinka dhulka Badda kulaala. Wasiirada ayaa dhankooda gudbiyay taladooda degdega ah si wax loogu…

Maxaa kasoo kordhay Shirka Wada tashiga Musharixiinta

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Shirka Wada-tashiga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 oo cabasha ka qaba guddiga doorashada & qorshaha DFS ay ku maamuleyso. Sida Musharixiinta ay sheegeen waxaa loo qorsheeyay in uu socdo 21/23 ka November 2020 oo maanta ah, balse Ilo xog ogaal ah oo ka dhaw Shirka ayaa Axadle u sheegay in maalin kale lagu daray, lana soo gaba-gabeynayo Berri oo Talaado ah 24-ka November 2020. Sababta maalinta…

Safiirka Qadar ee Soomaaliya oo Baydhabo u tagay dhagax

Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminaya Safiirka Qadar ee Soomaaliya, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Hogaamiye Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Safiirka waxaa la socda qaar kamid ah Howlwadeenada Safaaradda Qadar ee Soomaaliya, waxaana uu la kulmay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen. Ujeedka Safarka wafdiga Qadar ee Magaalada Baydhabo ayaa ah sidii uu u dhagax…

Kororka Koroona & kala sareynta Dalalka Caalamka! –

Kiisaska Fayruska Koroona ayaa sii kordhay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaa la diiwaangeliyay Xaalado cusub, Dhimasho & kuwa ka caafimaaday sida ay tebisay Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO. Guud ahaan kiisaska Caalamka laga diiwaangeliya Covid-19 waa 58,986,439 (Konton & siddeed milyan, sagaal boqol, siddeetan & lex kun, Afar boqol, Soddon & sagaal), waxaa u dhintay 1,393,683 (Hal milyan, Saddex boqol, Sagaashan & saddex kun, lex…

Waa maxay Sababta Abiy Ahmed waqti dheeraad uu u siiyay

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa 72-saac (Saddex Cishe) oo dheeraad ah markale u qabtay in ay isu dhiibaan Xooggaga Tigray oo dagaal iska caabbin ah la galay Ciidanka Federaalka. Abiy ayaa sheegay in waqtigaas wixii ka dambeeya Dowladda Federaalka ay qaadeyso tallaabadii ugu dambeysay ee lagu soo afjarayo dagaalka oo daba-dheeraaday sida uu hadalka u dhigay. Haddaba waa maxay sababta Abiy Ahmed uu markale waqti ugu qabtay hoggaanka TPLF? Jawaabta ugu…