Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Maxaa lagaaga baahan yahay haddii aad rabto in aad kamid

Wajiga labaad ee wadahadalka Doorashada Dalka oo heshiiskii koowaad labada Aqal ee BFS maray dhawaan ayaa lasoo gaba-gabeeyay, waxaana Hogaamiyayaasha heer Federaal iyo Heer DG horyaallay shuruudo culus. Qodobada heshiiska laga gaaray waxaa kamid ah Guddiga howsha doorashada wadaya, maadaama madax Goboleedyadu ay soo jeediyeen in la sameeyo xubno isku dhaf ah oo DFS & DG wakiilo ka kala ah oo howsha wada. Xubnaha Guddiga ayaa la go’aamiyay in loo madax baneeyo howsha la…

Maxaa shuruud ah oo laga doonayaa Ergada, Musharaxa

Sida ku cad qodobka 14-aad ee heshiiska Madaxdweyne Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada hoostaga DFS, waxaa shuruudo la hordhigay Musharaxa Xildhibaanka Aqalka Shacabka & Senatarka Aqalka Sare BFS. Hogaamiyayaasha heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa ku heshiiyay qodobo waqti dheer ay dood ka yeesheen, isla markaana inta shirka uu socday mas’uulba mar uu laga diiwaangeliyay aragtidiisa oo ugu dambeyn laga soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen. Shuruudaha…

Ciidanka Haramcad oo howlgal kusoo qabtay xubno katirsan

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad oo Saldhig ku leh Magaalada Dhuusamareeb ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud sida saraakiisha Ciidanku sheegeen. Howlgalka waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel Garas iyo God-Dhurwaa, Ciidanka Haramcad ayaa gacanta kusoo dhigay xubno katirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaameedka howlgalkooda. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Gaarka u tababaran Cabdixamiid Cabdullaahi Maxamed (Fanax) ayaa howlgalka…

Dowladda Soomaaliya oo ka dalbtay Amisom in ay baarto eedda

Sida lagu sheegay Warqadda tirsigeedu yahay OP/NSA/0834/02 oo uu ku saxiixan yahay la taliyaha Nabadgelyada Qaranka ee madaxweyne Farmaajo Cabdisaciid Muuse Cali; kuna socotay danjire Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya Askar katirsan Amisom ayaa rasaas ku furtay muwaadin Soomaali ah 12-Sep-2020 oo ku beegnayd todobaadkii ugu dambeeyey bisha September. Amb. Francisco Madeira madaxa howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya-Photo / Ilyas AhmedSida…

Hogaamiyayaasha DFS iyo DG oo isla gartay waqtiga la bilaabayo soo

Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada 5 ah ayaa is-faham ka gaarey dhismaha gudiyadda isku-dhafka ee maamuli doono doorashooyinka dalka iyo qodobo kale oo Jadwalka iyo hanaanka soo xulista Xildhibaanada labad aqalka ee Baarlamanka 11-aad. Hogaamiyayaasha Faderaalka iyo kuwa Goboladda ayaa isla meel dhigeen in hanaanka doorashadda Xubnaha Aqalka Sare ay billaabato October 15, islamarkaana ay socon doonto illaa 15-ka November…

Muqdisho:-Haweenay qarax isku soo xirtay oo dishay sarkaal

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Haweeney isku qarxisay Sarkaal ka tirsan ciidamada dhar cadka ee Nabad Sugida Soomaaliya. Sarkaalka la isku qarxiyay oo magaciisa lagu soo koobay Caana Geel, ayaa ku sugnaa xaafada Black-Sea, waxaana mar kaliya isku duubtay haweeneydan, iyadoo la maqlay qaraxa xooggan. Wararka laga helayo halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in sidoo kale qaraxan ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale, labadan waxey…

Askari loo lagu helay kufsiga gabar 4 jir oo xukun dil ah

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi oo lagu helay kufsiga gabar 4 jir. Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haysto kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan. Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir sida ay fadhiga maxkamada ka horsheegeen Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada…

Putin iyo Macron oo u jeediyay xabad-joojin wadamada Armenia

Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin iyo kan Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku baaqay xabad joojin deg deg ah oo u dhaxeysa ciidamada qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh iyo Azerbaijan, maadaama tirada rasmiga ah ee dhimashada ay kor u dhaaftay 100 labada dhinac iyaga oo sheega in ay sii wadayaan dagaalka. “Vladimir Putin iyo Emmanuel Macron waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalka gebi ahaanba sida ugu dhaqsiyaha badan, in xiisadaha la qaboojiyo oo…

Hogaamiyayaasha ku shirsan Villa Somalia oo qodobada qaar heshiis ka

Waxaa maalinkii 3 aad madaxtooyada Soomaaliya ka socda shir u dhexeeya madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada waxaana looga hadlayaa qodobada dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21-da. Shirka oo aan la qeexin xilliga rasmi ah ee laga gabagabaynayo ayaa laga gaaray heshiis hore dhac ah inkastoo aan Saxaafada loo soo bandhigin sidoo kale waxaa jira qodobo dhowr oo dhinacyadu aad iskugu hayaan. Maxaa laga heshiiyay?…

RW Rooble oo Guddi horumarinta dhaqaalaha kala hadlay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay Xubnah Guddi hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha ayaa kala hadlay muhiimadda qorshaha Deyn Cafintu u leedahay Dowladnimada & Dib u dhiska Dalka. Kulanka waxaa ka qaybgalay Mahdi Maxamed Guuleed oo dhawaan Wareejiyay Xilka ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sii hayaasha Wasiirada Maaliyadda, Dekedaha, Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Mas’uuliyiin kale.…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More