Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Ciidanka Dowladda oo guulo ka sheegtay howlgalo ay ka

Milatariga Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo ay ka fuliyeen tuulooyin ku dhow degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta waddanka. Axmed Xasan Siyaad, taliye ka tirsan ciidamada howlgalka qaadey, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay dileen toban dagaalame kuwaasoo ay kamid yihiin laba sarkaal wallow uusan shaacin magacyo. Sidda uu sheegay taliye Siyaad, waxaa intii howlgalku socday ay ciidamadda dib u qabsadeen degaano…

Soomaaliya & Cuba oo beeniyay in lasii daayay Dhaqaatiir

Warar kasoo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa lagu beeniyay in lasii daayay dhaqaatiir Al-Shabaab kasoo afduubatay Ismaamulka Mandheera muddo haatan laga joogo sanad & Bar. Warkaan ayaa daba-socday, kadib markii Sarkaal katirsan Sirdoonka Soomaaliya oo qariyay magaciisa iyo darajadiisa uu Wakaaladda Wararka AP la hadlay lana wadaagay macluumaadka sii deyntaas. Wasiiradaha Arrimaha dibadda Soomaaliya & Cuba ayaa wadajir u sheegay in aysan sii deyntaas, balse…

Khasaaro ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan Milatariga

sawir hore Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in gaariga miinada la kacday ay saarnayeen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha degmada Balcad waxaana qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaaray ciidamadii saarna gaariga. Wararka ayaa in ku daraya in dhamaan askartii saarneed gaariga miinada haleeshay ay noqdeen ku…

GMDQ oo diiwaangaliyay 6 xibsi siyaasadeed oo cusub. –

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan.Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020.Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah:1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.2. Xisbiga Qaransoor3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed5.…

Al Shabaab oo sii daaysay 2 dhakhtar oo reer Cuba ah!. –

Dagaalyahana Al-Shabaab ayaa sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya laguna haystay sanad iyo bar gudaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP )in dhakhaatiirtan la sii daayay dhammaadka usbuucaan ka dib wada-xaajood bilo qaatay oo ay la galeen kooxihii afduubay. Wuu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah. Sarkaalka ayaa…

Cuba & Al Shabaab oo kawada xaajoonaya dhaqaatiir afduuban!

Wadahadalo ayaa ugu socda dowladda shuuciga ah ee Cuba iyo Xoogga Al-Shabaab si ay xorriyadooda dib ugu helaan dhakhaatiirtii April, 2019 laga soo qafaashay waqooyi bari Kenya, sidda uu wariyay Bogga afka dheer ee Cibercuba. Bogga ayaa wariyey in wada-wadahadalkaas ay fududeynayaan odayaal dhaqameed kuwaasoo tiradooda aan la qeexin iyo shaqsiyaad kale oo dulaaliin ah kuwaas oo dhinacyada u kala dab-qaadaya. Warbixinta ayaa ku soo aaday maalin kadib markii Wasaarada Arrimaha…

10-sano oo maanta laga joogo markii AMISOM Muqdisho gacanta

7-dii Oktoobar 2010-kii maanta oo kale, Magaalada Muqdisho waxaa ka bilawday howlgalo wadajir ay u sameeyeen Ciidamada Dowladdii KMG ahayd iyo Askarta Midowga Afrika gaar ahaan Uganda iyo Burundi. Caasimadda waxaa saarnaa culeys militari, Askarta Dowladda & Kuwa AMISOM ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn Xarumaha muhiimka sida Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho. AMISOM waxaa Soomaaliya xiligaas ka joogtay askar dhan 7,200 oo ciidan Militari ah oo ka kala…

Al-Shabaab oo weerartay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Wajeer, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Si gaar ah weerarka waxa uu uga dhacay deegaanka lagu magacaabo 50 (Konton) Degmada Qorof Xaraar, saldhig ciidan waxaa ku leh Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Kenya oo la socda dhaq-dhaqaaqa deegaankaas. Dadka deegaanka ayaa maqlayay israaseynta Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-Shabaab,…

Qoor-Qoor oo Wasiiradiisa kala hadlay Sugidda Amniga kahor

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulan looga hadlayay qorshaha sugidda amniga la qaatay Wasiiradiisa, maadaama labo magaalo oo kamid ah maamulkaas lagu qabanayo doorashada kuraasta Golayaasha shacabka & Aqalka BFS. Qoor-Qoor ayaa u bandhigay Wasiiradiisa qorshaha sugidda amniga, martigelinta Ergo beeleedyada kuraasta Xildhibaannada dooraneysa, Musharixiinta iyo dhammaan waxyaabaha kale ee la xiriira Doorashada 20/21. Wasiirada qabanaya howlaha…

Wasiir Caadle oo Qabyo ku tilmaamay Guddiga Dhismaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga Dhismaha Baarlamaanka labaad ee maamulkaas. Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii guddigu uu soo saaray habraaca jadwalka xareynta Ergada, xulista Baarlamaanka, diyaarinta, dhaarinta ilaa fadhigooda ugu horeeyo waqtiga ay yeelanayaan. Wasiir Caadle ayaa sheegay in Guddigu uu qabyo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More