Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Khilaaf ka taagan qaabka loo soo xulayo Mudanayaasha

MW Farmaajo, Cabdi Xaashi, Baashe Yuusuf,Maareeye iyo Yariisow. Sawir hore War qoraal ah oo ka soo baxay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habraaca doorashooyinka kuraasta Xildhibaanada kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi (Waqooyi) loo raaco habraacii lagu galay Doorashadii 2016 kii. Qoraal uu ku saxiixanyahay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lana ogaysiiyay Hogaamiyaha, Ra’iiusl wasaaraha, Hogaamiyayaasha Dowladd-goboleedyada iyo…

Intee dhan tahay saameynta Dowladaha Bariga dhexe & Geeska

Silsilad Warbixinno ah oo lagu qiimeynayo kaalinta Siddeed (8) Dowladood ay ku leeyihiin Doorashooyinka Dalka, Danaha Istaraatiijiyadeed ee dalkasta, Musharaxiinta ay kaalmaynayeen iyo fursadaha ay ku guulaysan karaan damacooda. Hordhac : Xilliga ololaha doorashooyinka waxaa masraxa  Siyaasadeed ee dalkeena ka soo muuqda faragelinta dalal kala duwan oo isku daya in ay saameyn ku yeeshaan musharixiinta kala duwan si ay gacanta ugu dhigaan xafiisyada ugu sarreeya ee laga gooyo go’aanada siyaasadeed ee Waddanka,…

“Shuruucda la meelmarinayo waxa ay marqaati ka tahay shaqada

Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhiirageliyay shuruucda ka gudubta Golihiisa Wasiirada, Baarlamaanka uu ansixiyo, kadibna dib loogu soo celiyo si uu saxiixo. Qoor-Qoor ayaa howshaas ku tilmaamay mid muujineysa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug & shaqada socota ee lagu saldhigayo shuruucda kala duwan ee loo baahan yahay in wax laga qabto. Hogaamiyaha DG Galmudug ayaa sheegay in shuruucda uu saxiixay ay muhiim u yihiin…

DFS oo sheegtay in ay dishay saraakiil katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay DFS ayaa lagu sheegay in Ciidamada gaarka u tababaran ee DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hoose & Jubada Dhexe ay dileen saraakiil katirsan Al-Shabaab. Warka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaan ka dhacay labadaan Gobol ee kala hoostaga DG Koofur Galbeed & Jubbaland uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ciidanka fuliyay feejignaan muujiyeen. Howlgalka Shabeelaha Hoose waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaan 44 KM dhanka…

Iska hor imaad lagu dilay Labo ruux oo saakay ka dhacay

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka oo kala qaybiyo Degmooyinka Howlwadaag, Hodan & Waaberi, waxaana la dilay labo ruux oo la sheegay in ay hubeysaanyeen sida dad goobjoogayaal ah Axadle ay u sheegeen. Dilka ayaa dhacay 6:30AM, xaafadaha u dhaw Isgoyska waxaa laga maqlay rasaasta labada dhinac ay isku ridayeen, muddo kooban kadib waxaa goobta lagu arkay maydka labo ruux oo aan ku labisneen dharka Ciidanka Dowladda. Ciidamada ammaanka Dowladda oo goobta tagay…

Hirshabeelle:-Adi lee dubo adi lee daangayso! – Axadle

Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay munaasabadii dheerta Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar. Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Dowladda Goboleedka Hirshabeelle waxa ka socda “adi lee dubo adi lee daangayso” sida ay Axadle u sheegeen xubnaha xildoonka ah ee ku sugan magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Sida ay Axadle u sheegeen Ilo-xilkas ah…

Muxuu yahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Maraykanka iyo

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo oo la taagan yahay Jeneral Abdel-Fattah Burhan, oo ah madaxa golaha talada haya, Khartuum, Sudan, Talaadada, Agoosto 25, 2020. Suudaan iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo celinayo xasaanaddii madaxbannaanida ee Dowladda Suudaan ay ku lehayd Caalamka. Wasaaradda Caddaaladda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiiska lagu xallin doono kiisas ka dhan ah Suudaan ee la geeyo maxkamadaha…

Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta hogaamiyayaasha DG ee

Heshiisyada Daaha-gadaashiisa: Kaalinta hogaamiyayaasha Dowlad-goboleedyada ee doorashooyinka Madaxtooyada & Baarlamaanka Soomaaliya! Waa warbixino taxane ah oo aan ku lafagureyno aragtida Dowlad-goboleedyada iyo meesha ay ka taagan yihiin doorashooyinka Soomaaliya iyo sidoo kale adeegsiga Kaararka   & farsamooyinka Siyaasadda ee hogaamiyayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka. Hordhac: Waxa jira xaqiiqo dhulka taal oo si toos ah saameyn ugu leh muuqaalka siyaasadeed ee maanta ka taagan…

Xildhibaannada Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo la

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, waxaana goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga soo xulay & mas’uuliyiin kala duwan. Goobta lagu dhaariyay waxaa ku sugnaa 90-Xildhibaan oo qayb-qayb kitaabka gacanta loogu saaray, saf dheer ayay u galeen miis la dul dhigay Kitaabka Qur’aanka Kariimka si loogu dhaariyo. Waqtiga dhaarin ayaa muddo dib u dhacday sabab la xiriirta buuq & muran hareeray, kadib markii Xildhibaannada…

Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo la dhaariyay. –

Baarlamaanka 2 aad ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu dhaariyay xubnaha Baarlamaan-goboleedka 2aad ee DG Hirshabeelle, munaasabadda dhaarinta 90-ka xildhibaan ee Baarlamaanku ka kooban yahay waxa joogay guddiga soo xulay xubnaha Baarlamaanka. Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo qaarka mid ah odoyaasha dhaqanka ee…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More