Hogaamiyaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo deegaanada maamulkaasi maanta ka bilaawday, waxana Muuse Biixi si rasmi ah u qaatay talaalka xanuunka Coronavirus.
Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, waxa madaxweynaha kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-ee Gobaladda Waqooyi, xubnaha guddida doorashooyinka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaasha guud, kuwaas…