Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Muxuu Frank Lampard Ka Yiri Guushii Weyneyd Ee Ay Man United
Tababare Frank Lampard ayaa qirtay in Manchester United ay u tahay tijaabo weyn kooxdiisa Chelsea Sabtida ka dib guul weyn oo ay ka soo gaareen Paris Saint-Germain kulankii Champions League ee xalay.Chelsea ayaa barbaro goolal la’aan ah la soo gashay Seville xalay iyadoo goolhaye Edouard Mendy uu fursad fantastik ah ka beeniyay Nemanja Gudelj iyadoo kulan adag uu ka dhacay Stamford Bridge.Dhanka kale kooxda Red Devils ayaa seddex dhibcood ka qaadatay kooxdii gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay…
Xiddig Google Ku Raadiyay Magaciisa Ka Dib Markii La
Weeraryahanka kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach Marcus Thuram ayaa sameeyay arin lagu qoslo ka dib markii la weydiiyay inuu la soo baxo kaar aqoonsi oo uu ku geli karo garoonka San Siro ka hor kulankooda caawa ee Inter Milan.Marcus Thuram oo uu dhalay halyeeyga daafaca Faransiiska Lillian Thuram oo ka mid ah daafacyadii ugu fiicnaa ee dunida soo maray ayaa sameeyay arin ka qoslisay dad badan.Kooxdiisa Borussia Monchengladbach ayaa Twitter soo dhigtay wixii dhexmaray isaga iyo mid ka mid ah ilaaliyayaasha garoonka…
Mesut Ozil Oo Warbixin Ka Soo Saaray In Laga Reebay Liiska
Waayihii ciyaareed ee Mesut Ozil ee Arsenal ayaa gabagabo maraya. Xiddiga Jarmalka ayaa ku jira sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal u ciyaareysa tartamada Europa League iyo Premier League.Shalay, Arsenal waxay magacowday liiska 25ka xiddig ee Premier League u ciyaaraya, iyadoo xiddiga Jarmalka aan magaciisa lagu dhex arkin.Waxay taasi xaqiijisay in Ozil uusan mustaqbal ku laheyn Emirates Stadium.Maanta oo Arbaco ah Ozil, wuxuu soo saaray warbixin uu kaga hadlo xaaladiisa,…
Muxuu Yahay Rekoodhka Weyn Ee Uu Cristiano Ronaldo Kasoo
Kooxda difaacanaysa tartanka ugu xiisaha badan Yurub ee UEFA Champions League ee Bayern Munich ayaa ololaha ay ku difaacanayso tartankaas caawa ka bilaaban doonta garoonkeeda Allianz Arena iyagoo qaabilaya Atletico Madrid.Kulanka ayaa si gaar ah isha loogu hayn doonaa laba kamida weeraryahanada ugu wanaagsan dunida oo kala ah Robert Lewandowski iyo Luis Suarez oo iska hor imanaya.Lewandowski ayaa ah mid rekoodh weyn oo taariikhi ah mudo lix sano ahna kasoo jiray Champions League caawa jabin kara isagoo waliba kaliya hal gool…
“Wuu Naga Yaabsaday” – Solskjaer Oo Magacaabay Xiddiga Man
Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa amaanay bandhigii uu kulankii xalay ee Paris Saint-Germain ka sameeyay da’yarka daafaca dhexe ee kooxdiisa ee Axel Tuanzebe oo jeebka ku ritay xiddigo waaweyn oo kooxda ree France ah.Axel oo kamida da’yarta kasoo baxday kuliyada Man United ayaa mudo 10 bilood ah dhaawac kaga maqnaa Red Devils balse kulankiisii ugu horreeyay ee uu soo laabtay sameeyay bandhig lama filaan ah oo indhaha jamaahiirtiisa xaday.Man United ayaa ahayd koox cadaadis saaran yahay kahor…
Robinho Oo Dawlada Brazil Go’aamisay Waxa Falkiisii Kufsi
Xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ee Robinho ayay macquul tahay in dalkiisa Brazil lagu xidho sida ay shaaca ka qaaday wasiirka haweenka, qoyska iyo xuquuqda aadamaha ee dalkiisa oo waraysi bixisay.Sida uu sheegayo wargeyska The Guardian, xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil ayaa sanadkii 2017 lagu soo eedeeyay fal kufsi iyadoo ay maxkamado uu maray gadhka u geliyeen xabsi sagaal sano ah.Robinho oo saddex sano kahor gali lahaa xabsigaas sagaalka sano xukunkiisu yahay ayaa ahaa mid racfaan ku…
Chelsea Oo Gudbisay 25ka Ciyaartoy Ee Premier League Uga
Goolhayihii hore ee Arsenal iyo Blues ee Petr Cech ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee loo gudbiyey maamulka Premier League ee horyaalka Ingiriiska ka ciyaari doona fasal ciyaareedkan.Petr Cech oo ay da’diisu tahay 38 jir ciyaarahana ka fadhiistay sannado ka hor ayaa dib ugu soo laabanaya garoomada, isaga oo waliba ah Lataliyaha Faramsada iyo bandhigga ee kooxda oo si weyn uga shaqeeya dhinaca iibka iyo wada-xaajoodyada ciyaartoyda lala soo saxeexanayo.Frank Lampard ayaa Petr Cech ugu daray kooxdiisa si uu xal…
Marcus Rashford Oo Magacaabay Geesigii Aan Loo Heesin Ee
Marcus Rashford ayaa rumaysan in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu mudan yahay in looga mahad-celiyo, lana siiyo amaanta guusha kulankii Paris Saint-Germain ay kasoo gaadheen xalay ee tartanka Champions League.Manchester United ayaa 2-1 kusoo garaacday PSG kulanka furitaanka Group-ka dhimashada ee H, taas oo ay kasoo heleen saddexda dhibcood.Solskjaer ayaa khatar badan u badheedhay ciyaartan, waxaana uu qaatay go’aamo uu isbeddello waaweyn ugu sameeyey safkiisa, isaga oo kusoo bilaabay Axel Tuanzebe oo kulankiisii ugu…
Ajax vs Liverpool & Man City vs Porto – Shaxaha Macquulka Ah
Liverpool ayaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedkani uu ugu bilaabmayaa safar ay ku joogto waddanka Netherlands oo ay ugu tagtay Ajax, halkaas oo caawa ay kulan adag jilbaha isku dhigan doonaan garoonka Cruyff ArenA.Labadan kooxood oo ku wada jira Group D ayaa isku-geyn waxay kusoo wada guuleysteen toban koob oo Champions League ah, laakiin kulankoodan ayaa waxa uu yahay midkii ugu horreeyey ee ay marxaladdan oo kale isku beegmaan muddo 54 sannadood ah.Xili ciyaareedkii 1966-67 ayaa iskugu dambaysay in Ajax iyo…
Bac Qafiif Ayuu Ku Yimid Garoonka, Gool Ayuu Ka Dhaliyay
Da’ yarka Pedri ayaa gooldhaliyay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League iyadoo Barcelona ay xalay 5-1 ku xasuuqday kooxda Ferencvaros, ka dibna wuxuu Camp Nou kaga tagay taksi.Sida ay qortay jariirada Marca, xiddigaan 17 jirka ah ayaan loo ogoleyn inuu qaato leysan madaama uu da’ yar yahay sidaasi darteed waxaa qasab ku noqotay inuu taksi u qaato gurigiisa ka dib ciyaarta.Da’ yarkaan ayaa la soo geliyay daqiiqadii 63aad isagoo bedelay da’ yar kale ee Barcelona u soo baxay Ansu Fati, wuxuuna shabaqa soo taabtay…