Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Xiddigii Garoonka Ee Lama Filaanka Ahaa, Fadeexaddii Neymar
Manchester United waxay guul muhiim ah ka gaadhay kooxda finalka Champions League tagtay xili ciyaareedkii hore ee PSG oo ay marti ugu ahayd magaalada Paris.Bruno Fernandes ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United daqiiqaddii 23aad, waxaana uu gool u beddelay rikoodhe loo dhigay markii ay difaaca PSG qalad ku galeen Anthony Martial.Qaybtii hore ee ciyaarta oo ay United firfircooni lahayd isla markaana ay sirta isku-xidhka iyo dhamaystirku ka xumaa PSG ayaa waxay keentay in 1-0 ay ciyaartu kusoo dhamaato.Anthony Martial…
Chelsea & Sevilla Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay, Lazio Oo
Chelsea ayaa barbarro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana ay awoodi kari waayeen inay libin ka gaadhaan Sevilla oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.Tababare Frank Lamaprd ayaa shax adag lasoo shir tegay, laakiin Julen Lopetegui ayay kooxdiisu ahayd mid xooggan oo awood u yeelatay inay dhibaatooyin badan u geysato Chelsea oo garoonkeeda joogta, iyadoo ciyaarta inteeda badanna maamulaysay.Chelsea iyo Sevilla oo ku wada jira Group E ayna ku weheliyaan labada kooxood ee Rennes iyo Krasnodar ayaa…
Manchester United Oo Garaacday PSG Oo Garoonkeeda Joogta,
Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ka caawiyey inay guul 2-1 ah kala soo laabato Paris Saint-Germain oo ay ugu tagtay magaalada Paris.Manchester United ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes, waxaase PSG ay barbarro ku heshay madax uu iska dhaliyey Anthony Martial oo rikoodhaha kooxdiisana keenay.Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United u dabbaal-degtay goolka guusha oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo ciyaarta oo dhan khatar ku ahaa PSG, waxaanu goolkiisu ahaa…
Barcelona Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartey Ferencvaros, SHAN
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League, waxaanay garoonka Camp Nou ku garaacday naadiga yar ee Ferencvaros oo ay qaybtii horeba ka xoogsatay guusha ciyaarta.Barcelona oo ceeb kaga baxday tartankan xili ciyaareedkii hore ayaa uu tababare Ronald Koeman ku sameeyey isbeddel weyn oo dhinaca safka hore, waxaana goolka koowaad oo ahaa rikoodhe lagu galay Lionel Messi gool ugu sarrifay laacibkooda reer Argentina.Gool labaad ayay Barcelona heshay dhamaadka qaybta…
Liverpool Oo Ku Dhawaaqday 25ka Xiddig Ee Premier League U
Virgil van Dijk ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Liveprool ee 25ka ah ee u ciyaari doona tartanka Premier League xili ciyaareedkan, kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby ee Sabtidii.
Van Dijk ayaa taako xun kala kulmay goolhayaha Everton ee Jordan Pickford waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa inta ka hadhay xili ciyaareedkan, sida uu caddaynayo liiskan uu Jurgen Klopp u gudbiyey Premier League.
Thiago Alcantara oo isagana dhaawac aan cuslayn uu kasoo gaadhay ciyaartii Everton ayaa…
Juventus Oo Guul Ku Bilaabatay Champions League, Morata Oo
Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa guul ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 2-0 kusoo garaacday Dynamo Kiev oo ay marti ugu ahayd magaalada Kiev ee waddanka Ukraine.Alvaro Morata ayaa la baxsaday tababare Andrea Pirlo oo ciyaartiisii ugu horreysay ee Champions League ah hoggaamiyey Juventus, waxaana uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii ugu horreysay ee qaybtii dambe. Gool labaad ayuu Morata ku daray dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan yihiin.Juventus oo ay Groupkan kula…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulamada Barcelona vs Ferencvaros,
Barcelona ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee horyaalka Champions League ciyaaraysa kaddib bahdilaaddii ay Bayern Muncih 8-2 ugu xasuuqday xili ciyaareedkii hore, waxaana uu tababaraha cusub ee Ronald Koeman oo isagana ay u tahay kulankiisii ugu horreeyey ee Champions League ee uu kooxdan hoggaamiyo uu kusoo bilowday shax adag oo ka caawin karta inay libinta ku gaadhaan garoonkooda Camp Nou.Ronald Koeman ayaa ciyaarta kusoo bilaabay kabtan Lionel Messi oo ay garbihiisa taagan yihiin Coutinho iyo Trincao, waxaana afka hore ee…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka PSG vs Manchester United –
Manchester United ayaa ku sugan garoonka Parc des Prince oo ay isku haleelayaan PSG oo ciyaartoodii iskugu dambaysay ay kaga soo adkaatay 3-1.Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo xili ciyaareedkii 2018-19 tartanka Champions League ka reebay PSG oo garoonkeeda joogta ayaa waxa uu caawana kala hor tegayaa shax adag oo uu ku qanacsan yahay inay guusha ku gaadhi doonta ciyaartooda ugu horreeya.Labada kooxood oo ku wada jira Group-ka dhimashada ee H, ayaa waxa United ka maqan Harry Maguire, Edinson Cavani, Mason Greenwood, Eric…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea vs Sevilla – Lampard Oo
Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhoweynaysa kooxda kusoo guuleystay tartanka Europa League xili ciyaareedkii hore ee Sevilla, waxaana uu Lampard kala hor tegay xiddigihiisa ugu wanaagsan si uu libinta u hesho kooxdiisa kulanka ugu horreeya xili ciyaareedkan ee tartanka Champions League.Timo Werner oo laba gool u dhaliyey Chelsea ciyaartii ugu dambaysay ee kooxdiisa ee Sabtidii ay 3-3 ku kala baxeen Southampton ayaa hoggaaminaya safka weerarka ee kooxda, waxaana garabkiisa taagan laacibka reer Maraykan ee…
Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Xiddigaha Real Madrid Ee
Sergio Ramos ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Real Madrid ee habeen dambe ka hor tegi doona Shakhtar Donetsk oo ay isku haleelayaan kulanka horreeya ee xili ciyaareedkan tartanka Champions League.Kabtan Ramos ayaa ku maqnaan doona dhaawac kasoo gaadhay kulankii Cadiz ay 1-0 kaga adkaatay Sabtidii, taas oo uu baxay waqtigii nasashada, waxaana markii hore la filayay inuu awoodi doono inuu ciyaari doono kulanka Arbacada ay kooxdiisu ku qaabilayso naadiga reer Ukrain ee Shakhtar, hase yeeshee waxa uu awoodi kari waayey inuu…