Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waa Kuma Xiddiga Fursada Dahabiga Ah Ee Uu Qiimihiisa Ku

Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Ronald Araujo oo kamida xiddigaha la filayo inay booskooda sii haystaan kulanka Juventus ee caawa ayaa haysta fursad weyn oo uu iskugu muujiyo tababarihiisa Ronald Koeman.Ronald ayaa la filayaa inuu kusoo bilaaban doono daafaca dhexe isaga oo buuxinaya kaalinta uu ka ganaaxan yahay Gerard Pique si uu lamaane daafaca dhexe ugula noqdo Clement Lenglet.Da’yarka ree Uruguay ayaa heli doona fursadiisii ugu horreysay ee uu ugu soo bilaabanayo kulan Champions League ah kaddib markii uu…

Mesut Ozil Oo Laga Shaqo Galiyay Kooxda Roma, Nooca Shaqada

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal wakhtiga adag ku maraya ee Mesut Ozil ayaa qaab kaftan ah looga shaqo siiyay kooxda ree Talyaani ee AS Roma xilli uusan wax fursad ah mudo toddoba bilood ah ka helin macalinkiisa Mikel Arteta.Xiddiga ree Germany ayaa laga reebay labada liis ee kooxdiisa u metelaya tartamada horyaalka Premier League iyo UEFA Europe League taas oo hadal hayn badan dhalisay.Talaabadaas ayaa noqotay mid culus oo in badan laga faalooday maadaama ay lama filaan noqotay in ciyaaryahan 2018-kii heshiis qaali ah u…

ISLAAM NACAYBKA France Oo Kubadda Cagta Galay & Talaabadii

Kooxda ree France ee Marseille ayaa xalay muujisay dhacdo kale oo fadeexad ku ah sumcadeeda ciyaareed kaddib markii ay la fal-gashay arrimo diinaha la xidhiidha oo muddooyinkan ugu dambeeyay ka socday dalkaasi.Ugu horreynba talaabada ay qaaday Marseille ayaa ahaa inaysan jilibka dhulka dhigin oo aysan taageerin ololaha cunsuriyada lagaga soo horjeedo ee Black Lives Matter “BLM” ee caalamiga ah.Kaamerooyinka ayaa qabtay xiddigaha Manchester City ee martida u ahaa Marseille oo jilibka dhulka dhigay dhammaantood isla markaana…

Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ee Uu Benzema Ku Eedeeyey Inuu

Real Madrid ayaa si adag ku bilaabatay Champions League xili ciyaareedkan waxaana xilli dambe ay xalay u dagaallantay barbarro ay la gashay Borussia Monchengladbach oo laba gool kaga horreysay balse daqiiqadihii 87aad iyo waqtigii dheeraadka ahaa ayay labada gool keeneen xiddigaha Los Blancos.Ciyaartii hore ayaa  sidan oo kale loogala hor maray saddex gool oo Shakhtar Donetsk ay ku hubsatay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Thibaut Courtois, has eyeeshee waxay xilli dambe keeneen laba gool oo ka badbaadin kari waayey inay…

Jurgen Klopp Oo Qirtay In Dhaawac Halis Ahi Gaartey Fabinho

Jurgen Klopp ayaa qirtay in dhaawaca xalay soo gaadhay laacibka reer Brazil ee Fabinho aanu ahayn ‘mid fiican’, isla markaana uu uga dhigan yahay ‘dhibaatadii ugu dambaysay’ ee soo gaadhi lahayd kooxdiisa.Fabinho ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 28aad ee ciyaartii ay xalay 2-0 kaga badiyeen FC Midtyjylland, taas oo uu dhulka fadhiistay, isla markaana garsooraha ciyaartu uu si degdeg ah ugu dalbay gargaar dhakhtar.Liverpool oo ay hore uga dhaawacnaayeen Virgil van Dijk oo inta ka hadhay xili ciyaareedkan maqnaanaya iyo…

Juventus vs. Barcelona – Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Cristiano

Juventus iyo Barcelona ayaa caawa isku haleelaya magaalada  Turin, waxaanay foodda isku dari doonaan ciyaar hadal haynteedu badnayn oo taageereyaasha soo xasuusisay finalkii Champions League ee 2015 ay labadan kooxood iskugu yimaaddeen.Cristiano Ronaldo ayaa hadal-haynta ugu weyn ay ahayd maadaama uu ku dhacay Korona Fayras oo saddex jeer baadhitaano lagu sameeyey si loo ogaado haddii uu bad-qab ka yahay xanuunkan, waxaanay jamaahiirtu xiisaynayeen haddii ay markii ugu horreysay Lionel Messi iyo Ronaldo kulmi doonaan tan iyo…

Riyad Mahrez Oo Xidhiidh Jacayl La Bilaabay Xiddigtii Uu

Xiddigta caanka ka ah telefishannada ee uu dhalay halyeyga reer England ee Dawn Ward ee lagu magacaabo Taylor ayaa shaacisay inay xidhiidh jacayl la bilowday xiddiga kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez oo ay kala tageen gabadh hore oo laba carruur ah u dhashay.Taylor oo uu dhalay laacibkii hore ee reer England ee Ashley Ward oo waqtigan xiddig ka ah filimka Real Housewives of Cheshire oo ay iyaduna qayb ka tahay ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay jacaylka cusub ee ay la bilowday laacibka Manchester City ee Riyad…

Liverpool & Manchester City Oo Guulo Gaartey, Klopp Oo Cidlo

Liverpool iyo Manchester City ayaa guulo kasoo gaadhay kulamadoodii Champions League ee caawa, waxaanay soo garaaceen labada kooxood ee Midtjylland iyo Marseille.Laba gool oo ay u kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool ka caawiyey inay guusha kulankan hesho, laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa qalbi-jab ka qaaday dhaawacyo soo gaadhay Fabinho oo booskii Van Dijk sii buuxinayay iyo Henderson oo ciyaarta ka baxay daqiiqaddii 30aad iyo waqtigii nasashada.Manchester City ayaa iyaduna 3-0 ku garaacday kooxda…

Real Madrid Oo Barbarro Xilligii Dhimashada Ka Heshay

Real Madrid ayaa barbarro dirqi ah kasoo hoysay ciyaar lagu dhibaateeyey oo laba gool ay kaga soo hormartay kooxda Borussia Monchengladbach, taas oo daqiiqaddii 85aad maraysay 2-0.Real Madrid ayaa xilli dambe dagaalantay, waxaanay soo kansashay laba gool oo lagaga horreeyey xilli ay shan daqiiqadood oo kali ah ciyaartu maraysay.Daqiiqaddii 33aad ayaa Real Madrid lagu niyad-jabiyey gool uu Borussia Monchengladbach u dhaliyey Marcus Thuram oo uu dhalay halyeygii reer France ee Lillian Thuram, waxaana mid labaad ugu daray…

Shaxda Adag Ee Manchester United Ay Kula Ciyaarti Doonto RB

Manchester United waxay garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doontaa kooxda reer Germany ee RB Leipzig kulankeeda labaad ee Champions League Arbacada.Ole Gunnar Solskjaer oo dhibaato ka haysato kulamada horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu kaalinta 15aad ku jirto, ayaa waxa kale oo saluug ka jiraa qaabka uu u sameeyo xulashada laacibiintiisa.Toddobaadkii hore waxay United kasoo hoysay guul weyn ciyaartii ay martida u ahayd Paris Saint-Germain oo culayskii badnaa ka dejisay tababare Solskjaer oo xataa la sheegayay in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More