Sheeko layaableh ayaa laga hadal hayaa waddanka Faransiiska, waana qiso dhacday markii ay soo dhamaatay ciyaartii xulka qaranka France kaga hadhay tartanka Euro habeenkii Isniinta, waxaana rikoodheyaal ku reebay Switzerland.Faransiiska ayaa ciyaartan ku hoggaaminayay 3-1 markii ay maraysay daqiiqaddii 80aad, hase yeeshee laba gool oo degdeg ah ayaa laga dhaliyey, waxaanu waqtigii caadiga ahaa ee ciyaartu kusoo dhamaaday 3-3. Rikoodheyaal ayaa la isla gaadhay, waxaana gool-ku-laadkii ugu dambeeyey Faransiiska khasaariyey…