Maalintii ugu dambaysay bisha June ee shalay, waxa la diiwaangeliyey ciyaartooyo waaweyn oo xor ka noqday kooxahooda kaddib markii ay dhamaadeen heshiisyadoodu qandaraasyo cusubna lagu heshiin waayey.Ciyaaryahannadan waxay qaarkood heshiisyo u saxeexeen naadiyo kale oo ay u wareegeen, kuwo kalena wali mustaqbalkooda may go’aamin. Xiddigaha mustaqbalkooda go’aamiyey ee kooxo kale u wareegay waxa ka mid ah Georginio Wijnaldum, Sergio Aguero, Ramos oo la xaqiijiyey inuu u saxeexay PSG iyo kuwo kale, halka xiddiga ugu weyn ee…