Na Dhaaf!! – Barcelona Oo Waxkasta U Samaynaysa Si Ay Xiddig Kooxdeeda

Barcelona ayaa ah mid si deg-deg ah oo xoogan uga dhaq-dhaqaaqaysa suuqa xagaagan, mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay doonayaan inay qabtaan ayaa ah inay iska diraan xiddigaha aan muhiimka u ahayn qorshayaashooda.

Sida uu sheegayo wargeyska Diario Sport, maamulka kooxdaas ayaa la kulmaya dhammaan wakiilada xiddigaha kooxda si ay ugu bandhigaan bixitaan amaba mushahar dhimis uu ciyaartoygoodu sameeyo, waxa ciyaartoyda labadaas xaaladoodba u furan yihiin kamid ah Samuel Umtiti.

Barcelona ayaa doonaysa inay dhinto mushaharka Umtiti kaddibna ay kooxdeeda qaab amaah ah kaga dirto, kooxdiisii hore ee Lyon ayaa u muuqata mid ugu cad cad kaddib markii Marseille oo hore u doonaysay ay taam ahaanshihiisa jidh ahaaneed ka shakiday.

Umtiti ayaa caddeeyay inuu doonayo inuu sii joogo Camp Nou isla markaana uusan wax dhib ah ku qabin xataa haddii la ciyaarsiin waayo waxaana uu sheegay inay tahay in heshiiskiisa la ixtiraamo.

Samuel Umtiti ayaa aaminsan inuu kusoo noqon doono xaaladiisa jidh ahaaneed ee ugu wanaagsan isla markaana uu booskiisii kooxda dib u dhacsan doono.

Barcelona ayaa doonaysa in isagu amaah ku tago horyaalada France ama Talyaaniga halkaas oo uu ciyaar xawaarahu ku yar yahay ku heli doono.

Haddiiba uu Umtiti sii wado inuu iska dhago tiro dhaq-dhaqaaqyada kooxda, Barcelona ayaa doonaysa inay awood isticmaasho oo ay ka saarto safkeeda kulamada xilli ciyaareedka ka horreeya ciyaaraya.

Barca ayaa xilli horeba muujisay sida aysan wax naxariis ah ugu galayn xiddigaha kooxdeeda ee ay danteeda si fiican u raacanayso kaddib markii ay heshiiska Matheus Fernandes oo ilaa 2024 ahaa kansaleen maalmo kahor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More