Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa heshiis kasta oo nukliyeer ah oo dhex mara Washington iyo Sacuudi Carabiya si toos ah ugu xiray in Riyadh ay ku biirto Heshiisyada Abraham oo ay aqoonsato Israa’iil.
Heshiisyada Abraham, oo ay Washington dhexdhexaadisay muddadii koowaad ee xilka Mr Trump, waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Israa’iil iyo dunida Carabta.
Barnaamijka nukliyeerka rayidka ah ee la soo jeediyay in laga hirgeliyo Sacuudi Carabiya “waa la ansixin doonaa, balse wuxuu gebi ahaanba ku xiran yahay in Sacuudi Carabiya ay ku biirto Heshiisyada Abraham ee aadka loo qadariyo isla markaana guuleystay,” ayuu Mr Trump ku qoray bartiisa Truth Social.
Sacuudi Carabiya ayaa 2023 bilowday wadaxaajoodyo hordhac ah oo lagu caadiyeynayo xiriirka Israa’iil, balse si kedis ah ayay uga baxday kaddib markii uu billowday dagaalka Gaza.
Hadalka Mr Trump ayaa yimid maalin kaddib markii lagu dhawaaqay in Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen heshiis taariikhi ah oo boqortooyada looga hirgelinayo barnaamij nukliyeer rayid ah. Hase yeeshee, dadka dhaliila heshiiska ayaa ka cabsi qaba inuu waddada u furi karo kobcinta yuraaniyamka isla markaana uu kicin karo tartan hubka atoomikada ah.
Arrintan ayaa soo baxday xilli Maraykanku dagaal kula jiro Iran, waana colaad inta badan ay horseedeen walaacyada ku xeeran barnaamijka nukliyeerka Tehran — arrin weli udub-dhexaad u ah wada-hadallada nabadeed ee hadda hakadka galay.
Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Marooko ayaa saxiixay Heshiisyada Abraham, iyagoo Israa’iil la sameystay xiriirro diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni.
Suudaan, oo ah saxiixihii afraad, ayaan weli si rasmi ah xiriir ula yeelan Israa’iil.
Kazakhstan oo aan dal Carbeed ahayn, horayna u aqoonsatay Israa’iil, ayaa bishii Nofeembar ee la soo dhaafay oggolaatay inay ku biirto heshiisyada.







