Xulka Switzerland Oo Garaacay Italy Iskana Xaadiriyay wareega 8 dhamaadka Euro 2024.

Xulka qaranka Switzerland ayaa garaacay xulka Italy kulan ka tirsanaa Euro 2024 wareega 16.

Xulka Switzerland ayaa ahaa kuwa fiican iyaga oo ka awood badadnaa xulka Italy.

Daqiiqadii 37-aad ayuu xulka Switzerland dhaliyay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga R. Freuler.

Xulka Italy ayaa isku dayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin.

Qaybta dambe ayuu xulka Switzerland dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga R. Vargas kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Switzerland iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More