Xulka Spain Oo Guul Ku Bilowday Euro 2024, Croatia Ayay Garaaceen.

Xulka Spain ayaa Garaacay xulka Croatia kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Xulka Spain ayaa ku Bilowday si taxadar leh iyaga Oo maamulayay ciyaarta.

Xulka Croatia ayaa dhinacooda ku jiray daafac iyaga Oo ciyaarayay weerar rogaal celis ah.

Daqiiqdii 29-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Morata kaas Oo hogaanka u dhiibay xulkiisa .

Xiddiga khadka dhexe ee Fabian Ruiz ayaa daqiiadii 32-aad dhaliyay goolka 2-aad isaga Oo hogaanka u dheereeyay xulkiisa.

Daafaca Dani Carvajal ayaa daqiiqdii 45-aaad dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta u diray hurdo.

Xulka Croatia ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku Soo laabtaan waxana ay saameeyeen fursado laakiin uma suurtagalin in ay gool dhaliyaaan.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo uu xulka Spain u awood sheegatay xulka Croatia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More