Xulka France Oo Iska xaadiriyay 8 dhamaadka euro 2024 Kadib Guushii Belgium

Xulka France ayaa garaacay xulka Belgium kulan ka tirsanaa wareega 16 ee euro 2024.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka France maamulayay iyaga oo ka awood badnaa xulka Belgium.

Xulka Belgium ayaa helay fursadood badan oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin uma suurtagalin.

Dhinaca kale xulka France ayaa si waali ah fursadaha u samaynayay laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan fursadaha.

Daqiiqadii 85-aad ayuu xulka France helay goolka furitaanka waxana si khaldan isaga dhaliyay daafaca Belgium ee J. Vertonghen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France gaadhay guul ka caawisay in ay iska xaadiriyaaan wareega 8 dhamaadka euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More