XOG Muhiim Ah: Imisa Jeer Ayey Final Iskugu Yimaaddeen Brazil &

Brazil iyo Argentina ayaa iskugu soo baxay finalka Copa America oo ay saqda dhexe ee habeenka Axaddu soo gelayso ku wada ciyaari doonaan garoonka Maracana ee Magaalada Rio de Janeiro ee waddanka Brazil.

Lionel Messi ayaa u halgamaya in uu koobkiisii ugu horreeyey u qaado waddankiisa, isla markaana uu soo afjaro 16 sannadood oo niyad-jab ku dhamaysanayay tartamada isaga oo xidhan shaadhka qarankiisa.

Waxa intaas ba kaga sii daran, hal-xidhaale kale oo kasii fudud oo ah in aanu waligiiba ka  badin Argentina muddo 16 sannadood ah.

Kulankan ayaa ah markii afraad ee ay labada waddan iskugu yimaaddaan ciyaarta ugu dambaysa tartanka Copa America ee finalka ah, waxaana hal mar oo uu Lionel Messi ku jiray uu ku baxay oohin. Saddexda jeer ba waca badisay oo koobka qaadday Brazil, waxaanay kala ahaayeen 1937, 2004 iyo 2007. Koobka ugu dambeeyey ee 2007 ayuu Lionel Messi ku jiray Argentina, waxaana lagu garaacay 3-0.

Isku-adka, 107 kulan ayay wada ciyaareen  Brazil iyo Argentina. Brazil ayaa guuleysatay 42 jeer halka Argentina ay 40 mar guushu raacday, iyadoo 25ka ciyaarood ee kalena ay barbarro ku dhamaysteen.

Xaqiiqada dhibaysa Lionel Messi ayaa waxay tahay, in Argentina aanay xataa mar kaliya ka badin Brazil kulan tartan caadi ah tan iyo June 2005, markaas oo kulan ka tirsanaa isreeb-reebka Koobka Adduunka oo ka dhacay Buenos Aires ay Albiceleste ku adkaatay 3-1, waxaana guushaas ka caawiyey Juan Roman Riquelme.

Argentina oo ay ugu dambaysay Copa America oo ay ku guuleysato sannadkii 1993kii, Lionel Messi ayaa habeen dambe laga sugayaa in uu soo afjaro inkaarta 28 sannadood jirsatay ee xulkiisa haysata.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More