Xiddigii Garoonka Oo Loo Diiday Pulisic & Kai, LIXDII Laacib Ee

Laba gool oo uu dhaliyey Christian Pulisic iyo laba ay ku dareen Kai Havertz iyo Kurt Zouma ayaa Chelsea ka caawiyey in ay 4-1 ku garaacdo Crstal Palace, isla markaana ay ugu soo laabato kaalinta afraad.

Blues ayaa guushan u qalmaysay, iyagoo sida daadka ugu socday goolka Palace, waxaana daqiiqadii siddeedaad u aftay Kai Havertz oo uu Pulisic laba daqiiqadood kaddib ugu daray midka labaad ka hor intii aanu Kurt Zouma qaybta hore keenin goolka saddexaad.

Crystal Palace ayaa goolka calanka ee garoonkeeda heshay qaybta labaad, waxaana mid afraad iu raaciyey Pulisic oo qaybta labaad goolkiisa labaad ee ciyaarta helay.

Xiddigii garoonka

Kai Havertz iyo Christian Pulisic midkoodna lama siinin xiddignimadii garoonka ee ciyaartan, waxaana ka qaatay laacib aan shabaqa taabanin, isla markaana hal caawin oo kaliya sameeyey.

Laacibka khadka  dhexe ee Mason Mount ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, kaddib shaqadii cajiibka ahayd ee uu ka qabtay khadka dhexe iyo sidii uu difaaca Palace iyo dhexdoodaba u burburiyey.

Mount ayaa kulanka ka helay qiimayn darajadeedu tahay 9, mana jirin ciyaartoy la mid ah oo qiimayntaas oo kale helay.

Kai Havertz iyo Christian Pulisc ayaa kusoo xigay dhinaca bandhigga Mount, waxaanay kala heleen qiimayn ahayd darajada 8, taas oo ay kala sinnaayeen Kovacic iyo Azpilicueta.

Lixdii laacib ee fashilmay

Ciyaaryahanadda liitay oo dhan ayaa ahaa kooxda Crystal Palace, waana laacibiinta kala ah: Van Aanholt, Reiedewald, Milivojevic, Eze, Aye iyo Zaha.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Crystal Palace: Guaita (6), Ward (6), Van Aanholt (5), Cahill (7), Kouyate (6), Riedewald (5), Milivojevic (5), Eze (5), Ayew (5), Zaha (5), Benteke (6).

Beddelka: Townsend (n/a), Schlupp (6), McCarthy (5).

Chelsea: Mendy (6), Rudiger (7), Zouma (7), Azpilicueta (8), Hudson-Odoi (7), Chilwell (7), Jorginho (6), Kovacic (8), Mount (9), Pulisic (8), Havertz (8).

Beddelka: Kante (6), Ziyech (n/a), James (6).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More