Xiddigaha Koox Ingariis Ah Oo Ka Carooday In Gabadhaan Loo

Ciyaaryahanadda kooxda Bournemouth ayay amakaak ku noqotay islamarkaana ka carooday sawiro ay Instagram soo dhigtay xaaska madaxa guud ee maamulka kooxda.

Xiddiga Bournemouth ayaa ka carooday markii ay arkeen Alesya Blake oo ah xaaska madaxa guud ee kooxda Neil oo bogeeda Instagram soo dhigtay gaari cusub oo uu hadiyad ahaan u siiyay ninkeeda.

Sababta ay ciyaartoyda kooxda Bournemouth uga caroodeen arintaan ayaa ah xilli uu ninka madaxda ka ah kooxda ku qasbay ciyaartoyda inay mushaharkooda dhimaan sababo la xiriira Korona Fayras.

Sawirka gaariga cusub ee Bentley ee ku fadhiya 140 kun ginni islamarkaana loo sameeyay taarko gaar ah ayaa ahaa mid ay si weyn u hadal hayeen xiddigaha kooxda ka hor kulankooda Nottingham Forest ee Talaadadii.

Bishii April, tababarihii markaas ee Bournemouth Eddie Howe ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee mushahar dhimis sameeya sababto la xiriira Korona Fayras.

Ciyaaryahanadda kooxda ayaa sidoo kale lagu qasbay inay mushaharkooda hoos u dhigaan madaama aysan kooxda awoodi karin inay bixiso mushaharkooda oo dhamesytiran.

Laakiin madaxa kooxda ayaa hadiyad 140 kun ginni ah siiyay xaaskiisa isagoo kooxda uga ceyriyay shaqaale badan inuusan bixin karin mushaharkooda.

Ciyaaryahanadda ayaana u arkay inay tahay qiyaano in shaqaalihii kooxda lagu qasbo mushahar dhimis islamarkaana madaxii kooxda uu awood u leeyahay inuu hadiyad u bixiyo gaari cusub oo Bentley ah.

Inkastoo ay Bournemouth ka dhacday horyaalka Premier League hadana waxay u muuqdaan kuwa ku soo laaban doono sannadka soo socda.

Kooxda ayaa haatan kaalinta labaad uga jirta horyaalka heerka labaad iyagoo isbuucaan barbaro 2-2 la galay kooxda Rotherham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More