Xiddiga Ugu Da’da Weyn Ee Ka Qayb Gali Doona Euro 2024, Mana Ahan Modric?

Tartanka Euro 2024 ayaa bilaaban doona maalinta jimcaha iyada oo xulalka Iyo xiddigaha kala duwan is diyaarinayaan.

Waxa jira xiddigo badan oo ka qayb gali doona tartanka sanadkan iyada si weyn loo sugayo bilaabashada tartanka.

Hadaba waa kuma ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee ka qayb gali doona tartanka?

Maadama uu jiro 38 sano, 9 bilood Iyo 6 maalin, Luka Modric ayaa laga yaabaa in aad ka fikirto in uu yahay xiddiga ugu da’da weyn laakiin ma ahan isaga.

Xiddiga xulka qaranka Portugal ee Pepe ayaa ah xiddiga ugu da’da weyn ee ka qayb gali doona tartanka Euro 2024.

Pepe ayaa jiri doona 41 sano, 3 bilood Iyo 23 maalin maalinta uu tartanku bilaaban doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More