Waa Maxay Sababta Uu Alisson U Xidhay Number-ka 110, Kulankii Mexico?

Alisson waxa uu xidhnaa Maaliyada No.110 kulankii saaxiibtinimo ee uu xulkiisa Brazil la ciyaaray xulka Mexico sabtidii.

Waxa laga yaabaa in sababta uu u xidhay tahay in uu ciyaaray kulankiisii 110 ee xulka Brazil laakiin waa sabab kale oo ka duwan.

Goolhayaha ayaa xidhay maaliyad ay ku daabacantahay lambarka No.110 sabab la xidhiidha in uu xulkiisa Brazil jirsaday 110 sano tan ilaa markii la aas-saasay Xulka.

Alisson ayaa xulka qaranka Brazil u xidhay 64 kulan waana Dookha 1-aad ee Goolka isaga oo ka horeeya Goolhayaha Man City ee Ederson

Xulka qaranka Brazil ayaa ku jira isku diyaarinta tartanka Copa America oo uu ka qayb gali doono todobaadka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More