Xiddig Man United Ah Oo Markii Labaad Laga Helay Cudurka

Manchester United ayaa dhibaato weyn ay soo gaartay ka dib markii daafaca bidix Alex Telles laga helay cudurka Korona Fayras markii labaad.

27 jirkaan ayaa durbaba seegay afar kulan oo Red Devils ah ka dib markii ugu horeysay ee Korona Fayras laga helay dhamaadkii bishii October.

Telles ayaa u hayaamay xulka dalkiisa Brazil markii baaritaan lagu sameeyay laga waayay cudurka.

Daaficii hore ee FC Porto ayaa kursiga keydka ka soo kacay kulankii ay Brazil 1-0 kaga badisay xulka Venezuela maalintii Jimcaha.

Laakiin haatan waa laga saaray xulka Brazil ka dib markii baaritaan lagu celiyay lagu ogaaday inuu qabo Korona Fayras iyadoo bedelkiisa loo soo yeeray Guilherme Arana.

Xiriirka kubada cagta Brazil ayaa sheegay in xiddiga United uusan ku jirin marxaladii uu wax ku gudbin lahaa iyadoo ciyaartoyda kale ee xulka Brazil ay mareen baaritaano labaad oo shalay oo Sabti aheyd.

Laakiin natiijada baaritaanada labaad oo soo baxaya maanta lagu xaqiijiyo in Telles uu qabo Korona Fayras lama safri doono xulka Brazil kulankooda Uruguay.

Telles waxaa lagu qasbi doonaa inuu ku laabto Manchester United oo uu karantiil labaad halo taasoo niyadjab weyn ku ah tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Solskjaer waxaa durbaba ka maqan Luke Shaw oo dhaawac uu ka soo gaaray kulankii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Everton waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan muddo bil ah.

Waxayna taasi keeni doontaa in Solskjaer uu kaliya booska daafac bidix u heysto Brandon Williams.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More