Xiddig Ka Tirsan Manchester City Oo Qarka U Saaran Inuu U Wareego Koox

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ciyaartoygii labaad ka iibinayso Leeds United xagaagan, kaddib markii ay horraantii xagaagan ay ogolaatay in Jack Harrison uu si rasmi ah uga mid noqdo Leeds oo uu amaah kula joogay.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa in labada kooxood ay u socdaan wada-hadallo meel fiican maraya oo ay u dhow yihiin inay si buuxda uga heshiiyaan ciyaartoy kale oo tababare Pep Guardiola aanu boos ugu hayn Etihad Stadium, balse Elland Road looga baahan yahay.

Tababaraha Leeds United ee Marcelo Bielsa oo xilli ciyaareedkii hore ay kooxdiisu bandhig fiican ka samaysay horyaalka Premier League iyagoo ka yimid heerka labaad, waxa uu si fiican iskugu diyaarinayaa xilli ciyaareedka cusub, isagoo lasoo saxeexday dhawr ciyaartoy oo tayo, tamar iyo tiraba kusoo kordhinaya.

Warka ayaa sheegay, in Leeds United iyo Manchester City u dhow yihiin in ay heshiis rasmi ah ka gaadhaan iibka laacibka khadka dhexe ee Yangel Herrera oo labadii sannadood ee ugu dambeeyey amaah ugu maqnaa kooxda reer Spain ee Granada.

Manchester City ayaa doonaysa 20 milyan oo Gini oo kaash ah, si uu Yangel Herrera u tegi karo Elland Roard, hase yeeshee Leeds United ayaa iyaduna ku qanacsan tayada laacibkan da’da yar, waxaanay isku diyaarinaysaa in ay bixiso lacagtaas.

23 jirkan oo sannadkii 2017kii usoo wareegay Manchester City, ayaa sidoo kale waqti amaah ahaa kusoo qaaday kooxaha New York City iyo Huesca.

Yangel Herrera ayaa waxa u taalla shaqo adag oo ah inuu booskiisa u dagaallamo, iyadoo ay isku meel ka ciyaaraan Kalvin Phillips oo wacdaro ka dhigay tartankii Euro 2020 oo uu si joogto ah ugu ciyaarayay England, Stuart Dallas iyo Mateusz Klich.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More