West Bromwich Oo SHAN Gool Ku Xaaqday Chelsea, Tuchel Oo Guuldarradii

Kooxda West Bromwich Albion oo kamid ah kooxaha ka ordaya inay ka dhaadhacaan xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ayaa shan gool ku xaaqday dhigeeda Chelsea oo ay marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Baggies ayaa kulankan ka sameeyay bandhig shan xididgood ah waxaana ay ka faa’idaysteen casaan loo taagay Thiago Silva qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo dhinac kasta kaga horreeyay Blues.

Shaxdii Labada Kooxood Ee Kulankan

West Brom: Johnstone, Furlong, Bartley, Ajayi, O’Shea, Yokuslu, Phillips, Townsend, Maitland-Niles, Pereira, Diagne

Faah-Faahinta Ciyaarta 

Labada kooxood ayaa fursado kala helay daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta, Pereira ayaa meel xerada ganaaxa ka baxsan kubadda kaga laagay goolka Chelsea balse Mendy ayaa si sahlan ku qabsaday, markiisa Alonso ayaa garabka bidix kubad uu ku helay ku toogtay goolka West Brom laakiin goolhaye Johnstone ayaa si fudud ku qabsaday.

GOOAL: Chelsea ayaa heshay goolka furitaanka ee kulanka, Marcos Alonso ayaa laad xor ah birta goolka ku garaacay waxaana kubadda soo noqotay meel dhaw ka celiyay Christian Pulisic oo shabaqa taabtay.

CASAAN: Thiago Silva oo mudo kaddib kulankan Chelsea u ciyaaray ayaa kaadhka casaanka ah loo taagay, Silva oo hore u qabay kaadh jaale ah ayaa isku dayay inuu isku dhigo kubad uu laagayay Yokuslu balse is tuurida uu dhulka isku tuuray ayuu gaadhay Yokuslu iyadoo sababtay in garoonka jaalihii labaad lagaga saaro,

GOOAL: West Brom ayaa goolka bar-bardhaca la timid daqiiqadii 46-aad ee wakhtigii lagu daray qaybtii hore, goolhaye Johnstone ayaa caawin sameeyay, haa Johnstone ayaa kubadda uu laagay uu goolka Blues ku hor helay Pereira oo ka dul qaaday kubadda Mendy oo soo baxsanaa.

GOOAL: Markale Baggies ayaa daqiiqadii 48-aad si layaab leh hoggaanka u qabtay kahor dhammaadkii qaybta hore, Pereira ayaa markale kubadda loogu dhiibay xerada ganaaxa ee Chelsea isaga oo goysmo marka hore ku diray saddex xiddig oo Blues ah kahor inta uusan meel hoose ka dhalinin kubadda.

Chelsea ayaa soo laabatay qaybta dambe iyada oo doonaysa goolka bar-bardhaca ugu yaraan, Alonso ayaa kubad joog sarre ah oo soo dhaaftay goolhayaha West Brom meel cidlo ah ku helay balse kubadda uu ku laagay goolka oo banaan ayuu ku garaacay birta goolka,

GOOAL: Baggies ayaa helay goolka saddexaad ee kulanka, Robinson ayaa sideeda u raaciyay kubad hormaris ah oo uu ka helay Furlong isaga oo ku qasbay inuu istaago goolhaye Mendy.

GOOAL: Chelsea 1-4 West Bromwich – Ala muxuu gool ahaa!! Goolka afraad ee kooxda tababare Sam Allardayce ayaa yimid, mucjisadii kulankan ee Pereira ayaa kubad kasoo shaqeeyay lana soo ciyaaray xiddigaha kale ee kooxdiisa waxaana uu ugu dambayn baas u hordhigay goolka Diagne oo xagal hoose ka dhaliyay kubadda.

GOOAL: Chelsea ayaa hal gool soo ceshatay, Alonso ayaa kubadda soo hordhigay goolka waxaana xakameeyay Timo Werner oo goolka oo banaan kubadda u hordhigay Mason Mount oo si sahlan u raaciyay.

GOOAL: Robinson ayaa goolka shanaad ka dhaliyay Chelsea kaddib baas uu ka helay Pereira oo laba gool iyo laba caawimo ciyaartan ka sameeyay waxaana uu kubad cajiib ah ka dulqaaday goolhaye Mendy.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More