“Waxaan Rajaynayaa…..” – Gerard Pique Oo Ka Hadlay Haddii Uu Doonayo

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa ka hadlay mustaqbalka da’yarka Borussia Dortmund ee Erling Haaland iyo haddii uu la jeclaan lahaa inuu kula soo biiro Barca.

Xaalada dhaqaale ee Blaugrana ayaa ah mid adag iyaga oo inta badan raadinaya xiddigo heshiisku ka dhacay oo qaab bilaash ah lagu heli karo balse waxa sidoo kale jirta niyad samaan lagu qabo inay hal saxeex oo weyn samayn doonaan.

Pique oo la hadlay Youtuber-ka lagu magacaabo Ibai Llanos ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Haaland uu kula soo biiro Barcelona maadaama oo uu dhammaan xiddigaha cajiibka ah ka doonayo kooxda,

“Anigu wax fikrad ah kama haysto, waxaan rajaynayaa inuu yimaado (Barcelona), ciyaartoyda waaweyni waa inay nala joogaan, laakiin kaasi waa go’aan kooxda u yaala” ayuu yidhi Gerard.

Dhinaca kale daafaca ree Spain oo la weydiiyay saxeexa cusub ee kooxdiisa ee Sergio Aguero ayaa sheegay inay horeba baraha bulshada xidhiidh uga lahaayeen labadoodu sidoo kalena uu Lionel Messi markasta iyaga u amaano Aguero.

“Horeba waanu iskugu fiicnayn isaga, mudo sanado ah waxaanu iskaga xidhnayn baraha bulshada, waxaan isaga kahor tagay koobkii aduunka ee xiddigaha 20 sano jirada ka yar sababtoo ah isku jiil ayaanu nahay, Leo ayaa isaga si wanaagsan uga hadla”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More