“Waxaan Idhi Ma Doonayo Inaan Sawir La Galo Messi Laakiin Qasab Ayay

Khadka dhexe ee xulka qaranka Spain ahna da’yarkii mar kasoo tirsanaa kuliyada Barcelona ee La Masia ayaa shaaca ka qaaday sida markii uu yaraa ay qoyskiisu ugu qasbeen inuu sawir la galo kabtanka Barca ee Lionel Messi walow uusan isagu wax macno weyn leh u arkayn.

Olmo oo hadda kooxda Red Bull Leipzig ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay inuu ooyay markii uu ku biirayay kuliyada da’yarta Barcelona maadaama oo uu doonayay inuu asxaabtiisa kale la joogo Espanyol.

22 sano jirkaas ayaa shaaca ka qaaday in carruur badan oo dunida joogta aysan jeclayn wax weyna u arag in ay sawir la galaan Messi walow aysan fursadaas dayaceen inta badan dadka kubadda cagta daawadaa.

Olmo oo u warramayay The Players Tribune ayaa yidhi “Mar kahor xataa intii aanan La Masia ku biirin, waxaan la soday aabahay oo isagu agaasimayay kulan ka socday Castelldefels”

“Waxaan ahaa siddeed jir, waxaan ahaa mid kaligii ciyaaraya oo faraxsan markii qof – waxaan filayaa inuu ahaa saaxiibka aabahay – uu ii yimid iguna yidhi ‘Hey Dani, kaalay halkan, ma rumaysan doontid, waxaad sawir la gali kartaa Messi”

“Wow Messi miyaa? ma waxa uu joogaa Castelldefels? waa kuma ilmaha yar ee aan dooni lahayn inuu sawir isaga la galo? hagaag waa aniga”

“Waxaan idhi ‘Maya mahadsanid, waan wanaagsanahay, waxaan doonayaa inaan sii ciyaaro, waa sawir oo kaliya soomaaha? laakiin aniga oo aan rabin waxay i geeyeen Messi dhinaciisa sawirkana way qaadeen”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More