WARBIXIN: Olise & Saxiixyada La Dhamaystiri Karo Todobaadkan.

Suuqa Kala Iibisga ayaa si Rasmi ah u furan saxiixyada ayaana si is daba joog ah oo dhamaystirayaa.

Inkasta oo inta badan xiddigaha kubada cagta ku mashquulsan yihiin tartamada Copa America iyo Euro 2024 hadana waxa jira saxiixyo la dhamaystirayo.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada lagu dhawaaqi karo ama la dhamaystiri karo todobaadkan.

Michael Olise -> Bayern Munich:

Bayern Munich ayaa ku dhow inay ku dhawaaqdo saxiixa Michael Olise ka dib markii garabka Crystal Palace uu doortay inuu u saxiixo kooxda reer Germany iskana diiday Chelsea iyo Manchester United.

Joshua Zirkzee -> AC Milan ama Man Utd:

Joshua Zirkzee ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Bologna, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Milan ay heshiis shaqsi ah la gaartay weeraryahanka.

Man United ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga waxana ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Willian Estevao -> Chelsea:

Chelsea ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga 17 jirka ah kaas oo ay kala wareegayso kooxda reer Brazil ee Palmeira iyada oo ka bixinaysa lacag dhan 29 milyan oo euro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More